19 Sanno Ka Dib: Xaaladda KULMIYE, Jugtii u dambaysay ee Doorashadii Isku Sidkanayd Iyo Mustaqbalka Xisbigaas.

0
136

19 Sanno Ka Dib: Xaaladda KULMIYE, Jugtii u dambaysay ee Doorashadii Isku Sidkanayd Iyo Mustaqbalka Xisbigaas.

19 sanno ka dib, Xisbiga talada Somaliland ee Kulmiye, ayaa wajahaya xaalad adag oo ka dhalatay doorashadii isku sidkanayd ee dalka ka dhacday 31 May 2021-ka, taas oo ay ka soo gaadhay Guul darro keentay in ay lumiyaan Maayaradda Magaalooyinka waaweyn ee dalka intooda badan.

Xisbiga Kulmiye oo la aasaasay 23 May 2002-dii oo ay ka soo wareegtay muddo 19 sanno ah, iyada raggii maalintiisa seeska u dhigay Kulmiye ay ka mid ahaayeen, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), Alle ha u naxariistee Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) iyo Alle naxariistii Daa’uud Maxamed geelle iyo Siyaasiyiin kale.

8 sanno oo ka mid ah 19-ka sanno, waxa uu Kulmiye ku qaatay Mucaaradnimo xooggan oo jiifka u diiday Xisbigii ay sida weyn isu hayeen ee UDUB, kaas oo uu aakhirkii uu ka guuleystay kulmiye 2010-kii, halka 11 sanno oo kalena ay hayeen talada dalka aanay la kulmi Mucaarad xooggan oo u dhiganta toodii.

Kulmiye oo ahaa Ururradii Siyaasadda ee u dambeeyey ee la diiwaan geliyey bilowgii hannaanka asxaabta badan ee ka hana qaaday Somaliland, waxa uu u socday kor, isaga oo guul waaweyn ka qaadayey doorashooyinkii soo taxnaa 2002 illaa 2017-kii, balse doorashadii u dambaysay ee 2021-ka, ayaa u ahayd mid ka duwan kuwii hore ee uu guulaha ka soo hoyn jiray.

Doorashadii u horreysay ee golaha deegaanka ee 2002-kii ayuu guul weyn ka gaadhay, isaga oo guushaasi ay keentay in isaga oo ka mid ahaa Ururradii u dambeeyey uu ku soo baxay Xisbnimo.

Doorashadii xigtay ee Madaxtooyada ee qabsoontay 2003-dii, ayuu Kulmiye ku sigtay inuu ku guuleysto, ka dib markii Xisbigii UDUB iyo murrashaxoodii Daahir Rayaale Kaahin uu 80 cod kaga helay.

2005-tii doorashadii Golaha Wakiillada, ayuu helay Kulmiye, isaga oo Mucaarad ah 28 kursi, halka Xisbigii ay sida weyn u loollamayeena uu helay 33 Kursi, UCID-na 21 Kursi, waxaanu laba xubnood ku yeeshay shir-guddoonkii Golaha Wakiillada, ee wakhtigaasi

2010-kii, ayuu Xisbiga Kulmiye, isaga oo Mucaarad ah ku guulaystay doorashadii madaxtooyada, waxaannu helay 49% in ku dhow codadkii la dhiibtay.

2012-kii, ayuu kulmiye oo talada Waddanka haya, waxa uu ku dhiiraday inuu furo Ururradii siyaasadda, waxaannu kale guul ka gaadhay doorashadaasi, isaga oo ka mid noqday saddexdii Xisbi ee soo baxay, waxaanu sidoo kale doorashadii deegaanka ee ku sidkadayd furista ururrada siyaasadda uu guulka gaadhay, isaga oo helay Maayarro uu ka mid ahaa Maayarka caasimadda Hargeysa.

2017-kii, ayey u ahayd Kulmiye kale guul taariikhi ah oo waxa uu ku guuleystay doorashadii madaxtooyada Somaliland, isaga oo helay aqlabiyadda shacabkii coddeeyey oo ahaa 55%.

2017-kii waxa xaaladda cusub galay Kulmiye, iyada oo Madaxweyne cusub oo Kulmiye ka soo baxay, waa Muuse Biixi Cabdi’ye uu la wareegay taladii Waddanka, waxaanna Kulmiye iyo Saaxadda Siyaasadda nabad gelyeeyey Aasaasihii, guddoomiyihii u horreeyey ee Kulmiye iyo Madaxweynihii u horreeyey ee Kulmiye ka soo baxa Axmed Maxamed Siillaanyo.

Wakhtigaas waxa taladii waddanka oo ay weheliso tii uu hayey ee Guddoomiyenimada Kulmiye la wareegay Madaxweynaha hadda Muuse Biixi Cabdi.

Ka dib guushii Kulmiye ee 2017-kii, dhismihii Xukuumadda cusub iyo Mustaqbalkii Kulmiye, ayaa noqday waxyaabihii hadheeyey Kulmiye guddihiisa billi ka dib hanashadii talada dalka ee kulmiye, waxaana halkaas ka bilowday saluug Kulmiye dhexdiisa ahaa oo ay muujinayeen Siyaasiyiin isu arkayey in ay qayb weyn ku lahaayeen Guushii madaxweyne Muuse Biixi.

Siyaasiyiintan, ayaa qaarkood lahaa damacyo kala duwan, ayaa doonayey in ay ka dhex muuqdaan Golihii Wasiirrada, halka kuwo kalena quudaraynayeen Guddoomiyenimada Kulmiye, mana suurto gelin in ay shaqaysto doonistii labadan dhinac, waxaana dhinac Masuulkii ay naawilayeen kaga timid jawaab dadban oo ahayd “Fartiinii eersada”.

Halkaas waxa ka bilowday mucaarada huursan oo ay bilaabeen, siyaasiyiin iyo Masuuliyiin ka tirsanaa Kulmiye iyo Xukuumaddii Madaxweyne Muuse Biixi, kaas oo keentay in qaarkood markii dambe laga saaro Xisbiga kulmiye, sida Guddoomiyihii golaha dhexe Jaamac Shabbeel.

Khilaafkii iyo mucaaradadii guddaha Kulmiye ee huursanayd, waxa ay bannaanka u soo baxday, markii uu soo dhawaaday Shirweynihii Kulmiye ee qabsoomay October 2020, markaas oo xubno ay ka mid ahaayeen Maxamuud Xaashi oo ahaa Wasiirkii Madaxtooyada ee Xukuumaddii Siillaanyo uu shaaciyey inuu doonayo Guddoomiyenimada Kulmiye, inkasta oo markii dambe uu qaadacay shirkaasi, waxa iyagu jiray siyaasiyiin kale oo damac lahaa oo uu ka mid ahaa Siyaasi Maxamed Aadan Qabo, oo sheegay in loo diiday inuu Kulmiye iska dhex sharaxo.

Xisbiga Kulmiye 4 bishii tobnaad ee 2020-kii, ayaa waxa uu qabsaday shirweynihii 4-aad ee Xisbigaasi, waxaana shirkaas Guddoomiyaha Xisbiga dib loogu doortay Madaxweyne Muuse Biixi, waxaanay tani keentay in ay meesha ka baxdo quus darayntii laga qabay inuu Muuse Biixi wareejinayo guddoomiye Kulmiye.

Waxa kale oo isla shirkan ka soo baxday in Hoggaanka Xisbiga Kulmiye laga saaro Guddoomiye kuxigeenkii 4-aad ee Kulmiye Cabdiraxmaan Saylici, iyada lagu beddelay Maxamuud Xasan Saajin.

Shirweynaha Kulmiye ka dib, ayuu si rasmi ah y bilowday dagaalka Kulmiye dhexdiisu, iyada oo dagaalkani ahaa mid wejiyo kala duwan leh, ayaa waxa siyaasiyiinta cadaystay ka mid ahaa Maxamuud Xaashi Cabdi iyo xubno kale oo Kulmiye ah, Madaxweyne kuxigeenka laftiisuna la aamisan tahay inuu qayb ka ahaa.

Natiijadii dagaalkan, ayaa la rumaysan yahay in ay saameyn weyn ku yeelatay doorashadii u dambaysay ee isku sidkanayd ee May 31, 2021-ka, oo Kulmiye ku lumiyey shirguddoonka Wakiillada iyo inta badan Maayirada Magaalooyinka waaweyn, waxaana xusid mudan in Xubnaha Shirguddoonka ka soo baxay laba ka mid ahi yihiin Xubno ka soo jeeda Deegaannadii sida weyn looga taageeri jiray Kulmiye, balse ka soo baxay Mucaaradka, gaar ahaan Xisbiga UCID.

Si kastaba ha ahaatee, Kulmiye oo ay sannadkan uu u yahay mid adag oo aanu natiijo weyn ka keenin doorashadii u dambaysay, isla markaana lagaga guulaystay Guddoomiyeyaasha Goleyaasha Deegaanka ee Magaalooyinka Muhiimka ah iyo Shirguddoonka wakiillada, ayaa la eegi doonaa qaabka Hoggaanka Xisbigaasi u wajaho duruufahan ku xeeran wakhtigan iyo jidka uu cagta saari doono mustaqbalka.

Waxa qoray: Saleebaan Saxansaxo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here