Nin Hubaysan Oo laba Dhalinyaro Ah Ku Dilay Degmada Kaaran ee Soomaaliya

0
101

Mogadisho (Baraarug news)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Nin ku hubeysnaa qori uu Waaxda Faanoole ee degmada Kaaraan ku dilay wiil ay qaraabo ahaaye.

Dilka oo si kadis ah u dhacay ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay muran maandooriye oo dhexmaray gacan ku dhiiglaha iyo Marxuumka.

Dadka deegaanka ayaa soo warinaaya in labada ruux ee midi la dilay ay ahaayen qaraabo wada socon jiray, hase yeeshee ay ku kala fogaaden maandooriyaha.

Maamulka degmada Kaaraan ayaa sheegay in gacan ku dhiig laha ay horgeyn doonaan sharciga, isla markaana uu guran doono

waxa sharciga uga soo baxa.

Maamulka ayaa sheegay in marxuumka lagu dhuftay 6 xabadood oo kaga dhacday qeybaha sare ee jirka.

Hay’adaha ammaanka oo ku baxay falkan ayaa gacanta ku dhigay gaari NOAH ah oo uu watay ninka dilka geystay ee baxsaday.

Sidoo kale ciidamada ayaa la wareegay qalab lagu diyaarinayay maandooriyaha.

Meydka ninka la dilay ayaa la geeyay xarunta dambi baarista ee CID-da si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here