Wiil Yar Oo Muuse Biixi Adeer U Yahay Oo Ficil Iyo Bahdilaad Ku Sameeyay Wasiirka Beesha Warsan-gali Ee Gaashaandhiga Somaliland

0
864
Wiil Yar Oo Muuse Biixi Adeer U Yahay Oo Ficil Iyo Bahdilaad Ku Sameeyay Wasiirka Beesha Warsan-gali Ee Gaashaandhiga Somaliland
Wiil Yar Oo Muuse Biixi Adeer U Yahay Oo Ficil Iyo Bahdilaad Ku Sameeyay Wasiirka Beesha Warsan-gali Ee Gaashaandhiga Somaliland

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Tan iyo intii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xilka la wareegay, waxa ummaddu hadal haysay saamaynta uu xukuumadda ku leeyay xoghayihiisa gaarka ah Md Mubaarig Ismaaciil Taanni, waxaana la tilmaami jiray inuu soo xulay qayb ka mid ah golaha wasiirrada.

Shaqada xoghayuhu waxa ay tahay inuu garaaco waraaqaha madaxweynuhu soo saarayo, iyo inuu ilaaliyo cidda ballanta la leh madaxweynaha iyo weliba inuu Madaxweynaha ka taageero ama xasuusiya qorshayaasha shaqo ee sugayaa. Hase-yeeshee waxa la-yaab leh in Xoghaye Mubaarig Ismaaciil Taanni uu 9kii Sebtember 2018-ka soo saaray warqad amar ah, kuna socodsiiyey Wasiirka Gaashaandhigga Md Ciise Xawar, taasoo uu ku farayo in Wasaaradda Macdanta la siiyo agab ay u baahnaayeen.

Bulshadu waxa ay isweydiinaysaa goorta uu Xoghayuhu yeeshay awood uu ku amro golaha wasiirrada, halkii ay ahayd in uu uga gudbiyo wasiirka warqad uu madaxweynuhu saxeexay iyo qoraalku u diray oo keliya, waxa uu soo saaray dhambaal ka yimi Xafiis u samaystay, lehna xasees, isla markaana uu ku amrayo Wasiirka oo ku magacaaban digreeto madaxweyne, sida ku cad warqadan oo lagu faafiyey baraha bulshada

Tallaabadani waxa ay u muuqanaysaa in Xoghayuhu si gurracan uu adeegsanayo awooddii madaxweynaha, lamana oga meel Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu qayb ka mid ah awooddiisa maamul ugu wareejiyay Xoghayihiisa Mubaarig Ismaaciil Taanni.

Warqaddan oo dhawaan lagu baahiyay baraha bulshadu, waxa ay jahawareer ku ridday ummadda Somaliland oo u niyadsamayd in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi yahay hoggaamiye ka adag shaqadiisa, isla markaana la socda waxa ay gacan-yareyaashiisu xumeeyaan ee nidaamka dawliga ah. Waxa la sugayaa tallaabada uu madaxweynuhu ka qaado falkan xeer-jebinta ah ee ku cusub Somaliland, ee u ku kacay xoghayihiisa gaarka ahi Mubaarig Ismaaciil Taanni.

Waraaqaha ka soo baxa Xafiiska Xoghayaha gaarka ah ee wiilka uu adeerka u yahay Kornlay Muuse Biixi Cabdi Mubaarik Ismaaciil Taani oo six un u bahdilaaya Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) ee beesha Warsangali ee wasaarada Macdanya Somaliland. Balse halkan ka akhriso waraaqda wiilka yar ee uu ka teetal sareeyo ku amraayo.

Waraaqda xoghayaha adeerka u yahay Muuse Biixi Mubaarik Ismaaciil Taani ku amray
Waraaqda xoghayaha adeerka u yahay Muuse Biixi Mubaarik Ismaaciil Taani ku amray

Office Hargeysa Baraarugnews.net Emial:-Caarshe7@hotmail.com

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here