

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Abaabul Shir la doonayo in lagu qabto dalka Ingiriiska oo khatar ku ah dawladda Somaliland.Isla markaana shirkaas ayaa la sheegay in lagu soo bandhigidoono arrimo iyo macluumaad ku saabsan xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Shacab rayid ah oo dileen ciidamada kala duwan ee Somaliland.
Kooxo isku magacaabay garabka siyaasiga ah ee jabhada dulmi-diid ee uu hogaamiyoTaliye Caare, ayaa shir balaadhan ka qabanaaya gudaha dalka Ingiriiska malinta Axada ee bishan aynu ku jirno ee 15/9/ 2019-ka ee labada maalmood ee kaliya inaga xigto ee todobaadkan.Isla markaana shirkaas ayaa la sheegay inay ka soo qayb galayaan siyaasiyiin, odayaal iyo jaaliyada ka soo jeeda Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska iyo wadamada kale ee Yurub.
Siyaasiyiin, aqoon-yahano, madax, odayaal iyo dadka Jaaliyada Somaliland eek u dhaqan cariga dalka Ingiriiska oo ka soo qayb-galaaya goobta shirku ka dhacayo ee Magaalada London, ayaa la sheegay in ay kaga hadlayaan ku arimo badan oo ku saabsan xadhiga, dulmi iyo dhibaatooyin uu ku hayo taliska xukuumadda Muuse Biixi bulshada reer Somaliland, kuwaasoo la tilmaamay in ay cadaymo cad oo muujinaaya dhibaatooyinka iyo caqabadaha adag iyo dhibta ka taagan immika gudaha Somaliland.
Qaar ka mid ah xubnaha garabka siyaasiga ah ee uga hawl-gala Jabhada Caare ama u qaabilsan isku xidhka jaaliyada reer Somaliland ee ku nool dalka Ingiriiska oo qaybo ka mid ah qodobada iyo macuulaadka ay u soo bandhigayaan dadka lagu martiqaaday iyo kuwa ka qoo qayb-galaaya ee taageerayaasha jabhada ee ka soo qayb-galaaya shirka ka dhacaaya magaalada London ayaa u sheegay qaybo ka mid ah shabakada Baraaugnews.net waxyaabaha ay u soo bandhigayaan inay ka mid yihiin. “Waxa la soo ururiyey guud ahaan-ba tiradda dadka u xidhan, xadhig siyaasi ah ama loo xidhay. dhibootooyin loo gaystay shacabka . Mid wax qoray, mid facebuug Facebook),ku qoray ama ka hadlay iyo mid sheekeeyay oo jeelasha gudaha Somaliland ugu xidhan xukun la’aan sharci daro ah. Maxkamadaha Hargeysa oo dad rayid ah xukun xaq-daro ah ku riday oo ku xidhan, kuna jira jeelasha gudaha Somaliland. Dadka ay si xaqdaro ah u dileen ciidamada booliska.”Sidaa ayuu yidhi Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah kooxo iyo garabyo dhanka siyaasada uga ololeeya waddamada Yurub Jabhada uu hogaamiyo Taliye Caare ee dagaalka kula jirta xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Sidoo kale, shirka ka dhacaaya magaalada London, ayaa la sheegay in lagu marti-qaaday xubno Baarlamaanka iyo Golahayaasha deegaanka dalka Ingiriiska iyo International community ,isla markaana lala wadagayo macluumaad ku saabsan sidan” Waxa lagu soo bandhigayaa xafladaas muuqaalo, qoraal , caqabada iyo dhibaatooyin lagu hayo dad shacab ah oo lagu dilay gudaha Somaliland. Waxa lagu casuumay international community-ga. Waxa laguu soo bandhigayaa in dalka somaliand in yar koox isku beel ah ay haysato dalka Somaliland. Waxa la doonayaa in xafladaa lagula wadaago waddamada reer galbeedka ee deeqaha ku caawiya Somaliland in koox yar oo qabiil isku ah ama caa’ilad ah inay qataan deeqaha ay ku caawiyaan Somaliland. Ciidanka booliska, ciidanka RRU-da yo militarigu dadka, sida xaq-darada ah u laayeen shacab rayid ah. Kuwa dhaqaalaha ku bixiya ciidanka RRU-da ee ku bixiya lacagta inay la dagalamaan argagixisada in ciidamadii RRU-da ay isticmalaan siyaasiyiinta Somaliland ah oo loo adeegsado bulshada rayidka ah laguna dhibateeyo oo lagu layo shacabka reer Somaliland. Madaama Ciidanka RRU-da ee Somaliland ay leeyihiin dalalka qadhaan bixiyaasha ka taageera Somaliland hirgalinta dimuqoraadiyada..”ayuu yidhi .”Ayuu yidhi Maxamed Ismaaciil oo ka tirsan jaaliyada qurbajooda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska.
Office Hargeysa Caarshe7@hotmail.com Ama Emial: Baraarush00@gmail.com
