Tiradda Askarta ku Dhintay Iyo ku dhaawac-may Weerarkii lagu qaaday Saldhiga Dhexe ee magaalada Ceerigaabo &Magacyada cida Hogaaminaysay Jabhada weerartay Saldhiga magaalo madaxda Gobolka Sanaag

0
765
Tiradda Askarta ku Dhintay Iyo ku dhaawac-may Weerarkii lagu qaaday Saldhiga Dhexe ee magaalada Ceerigaabo &Magacyada cida Hogaaminaysay Jabhada weerartay Saldhiga magaalo madaxda Gobolka Sanaag
Tiradda Askarta ku Dhintay Iyo ku dhaawac-may Weerarkii lagu qaaday Saldhiga Dhexe ee magaalada Ceerigaabo &Magacyada cida Hogaaminaysay Jabhada weerartay Saldhiga magaalo madaxda Gobolka Sanaag

Ceerigaabo,(Baraarugnews.net)-Jabhada uu hogaamiyo Kornaylkii Ciidamada Militariga Somaliland ka goostay ee Taliye Caare, ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday Saldhiga Dhexe  ee magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, isla markaana jabhada cadaalad doonka iyo xaqu-dirirka ee dagaalka ku jira Maamulka Muuse Biixi Cabdi iyo Kornayl Maxamed kaahin gadh-wadeenka ka yihiin, ayaa la xaqiijiyey in hub culus ee la saaro gaadiidka Tiknikada Jabhada Taliye Caare ku garaaceen ciidan ku sugnaa  saldhiga dhexe ee Ceerigaabo, oo sababay dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarkii xalay lagu qaaday saldhiga  dhexe ee  Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Militariga Somaliland, xubno ka tirsan ciidanka Sirdoonka Somaliland oo ku sugan Magaalada Ceerigaabo, oo ka gaabsaday in aanu magacooda baahino ama aanu sheegno sababa la xidhiidha saameyn innuu ku yeesho warankan, ayaa u xaqiijiyey Wariyaha Shabakada Wararka Ee Baraarugnews.net uga hawl-gala Gobolka Sanaag in jabhada Taliye Caare Hogaamiyo oo weerar gaadmo ah  ku soo qaadeen Saldhiga Dhexe ee Ceerigaabo, isla markaana Saraakiisha Ciidanka Militariga Somaliland ee magaalada Ceerigaabo, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Baraarugnews.net in  hal askari  ku dhintay oo ka tirsan ciidanka militariga, oo la fadhiyey askar boolis ah oo joogtay saldhiga, halka laba askarina ay ku dhaawacmeen oo ka tirsan ciidanka booliska  Somaliland oo ku sugnaa Saldhiga dhexe ee magaalada Ceerigaabolaba oo weerar ka dhex-toosid ah goor saqdhaxe ah ku soo qaaday Jabhada Taliye Caare.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Jabhada Taliye Caare hoobiyaal iyo baasuukayaal ku riday Saldhiga Dhexe ee Magaalada Ceerigaabo, isla markaana waxa la sheegay in ciimadii goobtaa ku sugnaa oo weerarka lagu soo qaaday oo gaadmo ahaa laga naxsaday, laakiin markii dambe ay ciidamadii goobta saldhiga joogay iyo askar kale oo ka ag-dhawayd saldhiga iska caabisay Jabhada Caare.

Dhinaca Kale, Taliyaha qaybta booliiska Gobolka Sanaag Cabdirisaaq Maxamed Faarax oo maanta warbaahinta maamulka Muuse Biixi Cabdi kula hadlay magaalada Ceerigaabo ayaa ka hadlay weerarka lagu soo qaaday Saldhiga dhexe ee magaalada Ceerigaabo.”Abaaro kawdii habeenimo, galinkii dambe saqdii dhexe dablay hubaysan rasaas ku soo rideen Saldhiga dhexe ee Degmada Ceerigaabo. Ciidanku way is difaaceen, wayna yaceen dablaydii, cidna lagama qaban oo markiiba way yaceen. Imika warbixin intaa ka badan ma bixin karo, laakiin in rasaas dhacday ayaan cadaynayaa,”Sidaa ayuu yidhi Taliyaha qaybta booliiska Gobolka Sanaag Cabdirisaaq Maxamed Faarax oo maanta warbaahinta maamulka Muuse Biixi Cabdi kula hadlay magaalada Ceerigaabo.

Geesta kale, Wariyaha uga hawl-gala shabakada Baraarugnews.net magaalada Ceerigaabo, oo khadka Telifoonka gacanta kula xidhiidhay jabhada Kornayl Caare oo ku jirta buuraha Gobolka Sanaag, ayaa nasiib daro umay suurta galin in uu helo hogaamiyaha jabhada Taliye Caare, nasiib daro telifoonkiisa oo baqtiisnaa. Balse xogo lagu kalsoon yahay oo ka ag-dhaw ciidamada jabhada Taliye Caare oo ka cudur daartay in magacooda aanu sheegno ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday saldhiga dhexe ee magaalada Ceerigaabo uu hawl-galkaas hogaaminayey Sarkaal lagu magacaabo Axmed Xasan Cawaale oo abaan duule u qaabilsan jabhada, iyo xubin u qaabilsan hawl-galinta ciidanka jabhada oo lagu magacaabo Cabdilaahi  Xuseen oo hor kacaayey ama hogaaminayey hawl-galka weerarka jabhada Caare ku soo qaaday saldhiga dhexe ee magaalada Ceerigaabo.

Emial:- Baraarugnews@gmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here