Wasaarada Caafimaadka Oo Maanta laguwareejiyey qalab lagu diwaan-gelinayo xirfadlayaasha Caafimaadka &Khudbadihii laga jeediyey munaasibada

0
470

Hargeysa,(Baraarugnews.net)Wasaaradda Horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta daah-furtay nidaam casri ah oo si fudud loogu diiwaangelinayo mihnadleyaasha caafimaadka ee ku sugan gobollada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo si mutadawacnimo ah uga qayb-qaadan doona ka hor-tagga iyo u diyaargarowga xanuunka COVID-19.
Munaasibad ballaadhan oo lagu shaacinayey bilowga habkan casriga ah oo qof kasta oo mihnad caafimaad lihi uu si fudud isu diiwaangelinayo isaga oo gurigiisa ama goobtiisa shaqada joogo, ayaa lagu qabtay xarunta wasaaraada Horumarinta caafimaadka, waxana goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida ka hortagga iyo u diyaar-garowga xanuunka COVID-19, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, mudane Cumar Cali Cabdilaahi, wasiir-ku-xigeenkiisa, agaasimaha guud, xubno kale oo kamid ah golaha wasiirrada iyo marti-sharaf kale, waxana madasha lagu faah-faahiyey muhiimadda uu nidaamkani u leeyahay guud ahaanba qaranka iyo badqabka bulshada reer Somaliland ka hadlay masuuliyiinta Shirkada waddaniga ah ee GTS oo si muwaadinimo ah, dareen leh isugu xilqaantay inay agabkan ugu deeqdo una sameeyso wasaaraddu inay kaga hawlgasho arrinta xanuunka coronavirus ee khatarta ku ah bulshada caalamkana saameeyey, oo ay sheegeen inay u arkeen inay tahay meesha kaga haboon dedaalka loogu jiro in qarankani helo muwaadiniin isxilqaantay oo barbar istaagta qaranka .
daawo Masuuliyiinta ka hadlay qalabka lagu wareejiyey ee COVID-19.
Halkan hoose ka daawo khudbadii uu jeediyey madaxweyne kuxigeenka Somaliland ee munaasibadii qqalabka kula wareegeen hayada


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here