Muuse Biixi:-“Dillaal, Dable iyo askari, Dira-dire is nacay, Danni iyo xasarad Dibin-daabyo qaran iyo Darbi-jiif nasiray Alla qabay weeye .”

0
99
Muuse Biixi:-“Alla qabay dillaal, Dable iyo askari, Dira-dire is nacay, Danni iyo xasarad Dibin-daabyo qaran iyo Darbi-jiif na siray weeye .”

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- “Alla qabay dillaal weeye,

Danbigii bulshada weeye,

Dable iyo askari weeye,

Dira-dire is nacay weeye,

Darbijiif na siray weeye,

Danni iyo xasarad weeye,

Dibindaabyo qaran weeye,

Damac iyo hunguri weeye,

Dalaw lagu lu’go’ay weeye,

Degel lagu ambaday weeye,

Dadqal aan xishoon weeye,

Dirir iyo colaad weeye,

Dawdar iyo warjaaf weeye,

Dulin iyo qaniin weeye,

Dirindiir il adag weeye,

Dabadhilif xasilay weeye,

Digo iyo xajiin weeye,

Dacar iyo qadhaadh weeye,

Duunyeel aradan weeye,

Qoqob iyo dirsooc weeye,

Dabar laysku xidhay weeye,

Dulmi kama dhargaan weeye,

Danyar kama tagaan weeye,

Diinlaawe falan weeye,

Wuxuu qoraalkan isla leh Mohamed Ali Shilke.

Emial Office Hargeysa>-Caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com

Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here