Abwaan Jamaal Sabateeye Oo Daawaha Ka Soo Qaaday Hees Cusub Iyo Fannaanka Codka Dahabiga Saalax Sanag, Muusigii muusiyaystaha aan cid-ba xagiisa ka marin SMS iyo habayntii Tusmo Films

0
602

Minisoota,(Baraarugnews.net)-Abwaan Jamaal Cabdi Yuusuf (Abwaan Sabateeye), oo ka mid ah Abwaanada dhalinyarada ah ee Soomaalida Cariga dalka Maraykan ku nool ee Gobolka Minisoota, ayaa curiyey hees cusub oo magaceedu yahay Dhamays oo erayadeedu aad u macaan yihiin, isla markaana Heestaan ayaa dhawaan iyadoo muuqaal ah  soo bxi doonta haddii alle ka dhigo.

Fannaanka  Codka Dahabiga leh Alfanaan Saalax Sanag, oo ah fannaaniinta dhalinyarada ah ee codkooda aadka looga dabadhacay, halka Laxanka daaha gaas Sabateeye , isla markaana dhinaca muusiga waxa ku fara yaraystay muusiyaystaha aan cid-ba xagiisa ka marin SMS iyo habayntii Tusmo Films, waxaanay erayada heesta  uu soo saaray ABwaanka da’da yar ee Abwaan Jamaal Sabayste ayaa heesta Dhamays oo aanu halkan idinku soo gudbinayno Midhaha Erayada Abwaan Jamaal oo u dhignayd sidan:-

Heesta Dhamays

Waxaad tahay dhabeel dumar, 
Qurux loo dhameeyoo,
Dhexdu taako leegtahay,
Timaheeda dhaadheer,
Dhabar keeda dhaafiyo,
Afku dhuxul indhuhu dhay
Ilkaha darbarka lugu dhigay
Qoorteeda dhebiga ah,
Dhabanadeeda xaadili
Dhaashiba u baahnayn Kooris,

Allaw yaa ku dhawrtoo, 
Dhulka oo barwaaqa ah,
Intuu geelu wada dhalay
Dhaydiyo karuurkii
Ku dhan siiyo adigoo
Dhaxdin yaad u noqotaa.”
Erayadii ABwaan Jamaal Dhamays oo tiriyey ama curiyey heesta cusub ee dhamays oo aanu halkan idinku soo gudbin doono wakaalada Baraarugnews.net muuqaalka heesta Dhamays.

EMial:-Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here