Agaasimaha Gudida Qandaraasyada Qaranka oo Safar ku Jooga Laascaanood ayaa Kormeeray Mashaariicda Horumarineed ee Gobolka Sool

0
100

Laascaanood (Baraarugnews) Agaasimaha Guud ee Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Hawlo shaqo ujooga Laascaanood ayaa Kulamo la Yeeshay Maayarka Laascaanood iyo gudoomiyaha Gobolkaasi waxaana uu sidoo kale Agaasimuhu Kormeeray

Waxaa uu agaasime Maxamed axmed Xasan Saadle Jabarti Kormeeray Dhismaha Garoonka Kubada Cagta Laadcaanood,Dayactirka Gegida Diyaaradaha Gobolkaasi oo jidkiisa la dhisaayo,Wasaaradaha Deegaanka iyo waxbarashada waxaana uu xaqiijiyay in horumar balaadhan uu ka hanaqaaday Gobolka intii Xukuumada Kulmiye Talada dalka haysay

Agaasimaha Waxaa safarkiisa ku wehelinayay Faysal Qumuj oo ka mid ah Dhalinyarada Hargaysa waxaana ay Dhinaca kale farta ku Fiiqeen In Madaxweynaha Qaranku si weyn wax uga qabtay xaalada Cusbitaalka Laascaanood iyo Qorshaynta soo saarista Biyo ku filan Oo deegaanku Helo taasi oo agaasimuhu Sheegay inuu Wado Wasiirka Horumarinta Biyuha Saleebaan Cali Koore


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here