Agaasimaha Madaxtooyada Hargeysa Oo Kala Wareegay Ha’yaddihii iyo shaqadii  Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland

0
576

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Waraysi uu bixiyey Agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile ayaa dad badani ka dheehdeen in madaxtooyadii weli leedahay awoodo dheeraada iyadoo weliba meesha laga saaray wasaaradii Todabada sano iyo dheeraadka ay ka talinayeen Xirsi iyo Ina Xaashi, taasi oo aynu ogayn wixii ka dhacay ee musuq iyo fadeexado ahaa.

Waraysigii agaasime bilena waxa uu shacbiga geliyey dareen la mida kaasi oo ahaa in wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta laga soo jaro ama laga fara-maroojiyo shaqadii wacyigelinta bulshada oo la soo keeno madaxtooyada taasi oo aan bulshada loo shaacin sababta looga soo hoos saaray wasaaradaasi, balse uu aad ugu nuux-nuuxsaday agaasimuhu in uu tayeeyey waaxdaasi oo ay ka shaqayn doonto arrimaha shacbiga iyo madaxtooyada

Dhinaca kale waxa uu sheegay agaasime bile in uu sameeyey waax la yidhaahdo xidhiidhka hay’adaha iyo madaxtooyada taas oo aan hore loo maqal una jirin, horena ay hay’aduhu hoos tagi jireen wasaaradda qorshaynta qaranka ayaa leh shaqadan oo qaranka u qaabilsan, laakiin hadalkan ka soo yeedhay Agaasimaha uu adeerka u yahay Muuse Biixi Maxamed Cali Bile, taasina ay tahay sharci-daro.

Waxa kale oo hay’adaha iyo mashaariicaha ay bixiyaan ee ay qorshayso Wasaarada qorshaynta  inoo muujinaysaa in laga soo hoos saaray wasaaradaasi xidhidhkii hay’adaha oo ay wixii hadda ka danbeeya ay madaxtooyadu maamuli doonto taana ma aynu arag warqad cad oo lagu shaaciyey balse waxa is waydiintu tahay ma madaxweynaha hoos hoos u bixiyey amaradan mise waa kuwo uu si qaldan u maamulanayo agaasimaha madaxtooyadu, iyadoo ay ka iman karaan isku dhac iyo awood maroorsi shaqo taasi oo ah mid aan inagu cusbayn balse ah mida qaranka ragaadisay ee halkaasi dhigtay marka kolba wasaarad wasaarad kale la hoos geeyo ee la iska daba wareego.

Midna waxa aan leeyahay agaasimaha madaxtooyada agaasime arrintan aad ka dhawaajisay ma aqoontii aad barataybaa mise waa awoodo kaa sareeya oo aad qaadi kari wayday bal mar kale shacbiga u sharax waxa kugu kelifay in aad doonato shaqo aan taada ahayn balse wasaarado kale oo isla qaranka uu ah aad tidhaahdo cidbaan u magacaabay adigoo isticmaalaya awood agaasime oo dadku ay wada ogsoon yihiin inay tahay uun agaasim iyo maamul shaqo balse aanay ahayn awood wax lagu goosto ama lagu magacaabo ma odhan karnaa agaasime aqoontaad soo baratay waxbaa ka dhiman tanina maaha mid lagaa filayey inay ka soo yeedho aqoon yahan adiga oo kale ah, balse hadii ay adiga kaa soo go’aday waa nasiib daro ku habsatay aqoon yahanadii kula midka ahaa, balse hadii lagugu qasbay is barax oo iska leexi deeda aad isu xambaarisay.

Madaxweynahana waxa aan leeyahay madaxweyne qaranku indho dheeraada ayuu kugu hayaa ee ka leexo dariiqyadii ay mareen kuwii kaa horeeyey ee ay ka qaadeen ceebta iyo magac xumada oo talaabo ka qaad agaasimahaaga kana jooji falalkan noocan ah haddii aanad la ogayn.

Subeer Xasan

Nuuriye8818@gmail.cm

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here