Agaasimaha Madaxtooyada Maxamed Cali Bile Iyo Xoghayaha Gaarka Ah ee Muuse Biixi Ayaa Ugu Hanjabay Mareeyaha Maxamuud Raage haddii uu u jawaabi wayo Boqor Buur-madow inay xilka ka qaadayaan

0
386
Agaasimaha Madaxtooyada Maxamed Cali Bile Iyo Xoghayaha Gaarka Ah ee Muuse Biixi Ayaa Ugu Hanjabay Mareeyaha Maxamuud Raage haddii uu u jawaabi wayo Boqor Buur-madow inay xilka ka qaadayaan

 

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Agaasimaha madaxtooyada Maxamed cali Bile iyo xoghayaha gaarka ah ee Muuse Biixi ayaa amar ku siiyey Mareeyaha madbaca Maxamuud Raage Ibraahim,  innuu u jawaabo Boqor Cismaan Buur-madow, isla markaana Maxamuud Raage Ibraahim oo ka soo jeeda beesha Biciide innuu dadka ugu soo horeeyo boqor Buur-madow oo ah boqorka Soomaalida oo dhan waxay ku tahay ceeb iyo magic-xumo haddii talaabo ka qaadi waydo beesha uu ka soo jeedo ee Biciide.

Maxamuud Raage Ibraahim, oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa afkiisa ka cadeeyay innuu aflagaadeeyo Boqor cisaam Buur-madow lagu qasbay,Balse halkan hoose ka akhriso aflagaadaynta uu kula kacay oo u dhignayd sidan:- “Sanadadan dambe waxa bilowday dad dhaqan ah  oo gole ka fuul siyaasadii u gola fuulaaya yo dad face-buuga wax ku qor qoraaya sakaaro ka biirsan. Waxa laygu qasbay inaan maanta hadlo. Waxaan leeyahay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud buur-madow waxaad tahay nin dhaqan. Dhaqankana shaqadiisa waa la garanayaa. Waa inaad ixtiraamtaa dawladda Muuse Biixi. Waa inaad joojisaa xad-gudubka iyo wax yaala deel qaafka ah ee aad ku hadlayso ee aad xaqa u lehayn. Laakiin Madaxweynaheyga Muuse Biixi waan ku qasbanahay innaan ka difaaco xad-gudubka kaga imanaaya Boqor Cismaan Buur-madow.”

Qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiska Muuse Biixi Cabdi ee madaxtooyada oo ka cudur daartay in magacooda aanu sheegno, ayaa u xaqiijiyey Shabakada Baraarugnews.net, xafiiskeeda magaalada Hargeysa in Agaasimaha Madaxtooyada Maxamed Cali Bile iyo xoghayaha gaarka ah oo labadoodaba adeer u yahay Muuse Biixi, ugu hanjabeen haddii uu u jawaabi wayo Boqor Cismaan Buur Madow xilka ka qaadayaan.

Mareeyaha madbaca Maxamuud Raage oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi, “Guraca iyo talo-xumada iyo af-xumadu wax xun bay keentaa. Boqor Buur-madow waxaan leeyahay ka waantow siyaasada aad sida xun ugu milantay.”

Office Email:-Baraarugnews.com or Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here