Akhri:-Fadeexadda Iyo Ceebta Dul-hoganaysa Aqalka Madaxtooyada Somaliland

0
1890

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Xafiiska uu maamulo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa beentii abid ugu xumayd ee soo mara aqalka Madaxtooyada Somaliland ku kacay, isla markaana Agaasimaha Madaxtooyada  iyo Xoghaynta Muuse Biixi ayaa hadal been iyo baro-bugaadho ah u soo dhiibay wiilka yare e afhayeenka waraaba u taaga ah ee Muuse Biixi ayaa sheegay shalay in wefti imaaradka carabta ah u yimaadeen aqalka madaxtooyada Somaliland oo kulan la qaatay Madaxweyne Muuse Biixi.Wakaalada Baraarugnews.net oo arrimahaa baadhay oo dabagal ku samaysay ayaa gabi-ahaan-ba  baadhis dheer, ka dib waxay heshay macluumaadka runta ah innaanay wax-ba ka jirin oo been abuur tahay wefti imaaradka carabta oo yimi oo la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi waxba kama jiraan ee waa been abuur isleeyahay Muuse Biixi fadeexada dulhoganaysa xukuumadiisa iyo xidhiidhka heshiisyada dp world ku qari iyo meel ka dhicii madax-bannaanida Somaliland iyo dawladda shacabkan samaysteen ku geftay Imaaradka carabta ayuu isleeyahay ASKARIGA Muuse Biixi ku qari. Balse arrintan Muuse Biixi ku kacay ayaa ceeb iyo laf-jab ku ah Muuse Biixi iyo kooxda aan caqliga laheyn ee inamada uu adeerka yahay Muuse Biixi ee Agaasimaha Maxamed Cali Bile iyo xoghayntiisa gaarka ha Mubaarik Taani ayaa arrintan ceebta iyo beenta qaawan iyo ficilada hab-dhaqanka dawladnimada ku xun sameeyay oo caqliga u taliya ama ka arrimiya ee maamula xafiiska Kornayl Muuse Biixi waa labada wiil ee uu adeerka u yahay, taasoo magacii iyo dawladnimadii shacabka reer Somaliland maanta marayso meel aad u xun oo hog-madow ku dhacday iyo dad aan waligood talo ama hal la waydiin oo caqli xumo iyo talo xumo isku darsaday.

Dhinaca kale war-saxaafadeedka madaxtooyada shalay ka soo baxay ee been abuurka ceebta ah Muuse Biixi ka soo saaray Xafiiskiisa Oo Nuqul ka mid ah heshay xafiiska wakaalada Baraarugnews.net ee magaalada Hargeysa ayaa u dhignaa sidan:-

  1. Weftiga Imaaraadka carabtu waxay madaxweynaha u muujiyeen in dal ahaana ka xumadeen hadalkii wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda imaaraadka ee sida qaldan loo turjumay, waxaanay sheegeen in ay qoraal rasmi ah kaga soo jawaabi doonaan arrintaasi.
  2. In Imaaraadka carabtu ay Somaliland ka caawiyaan adkaynta amniga, kana taageeraan ciidamada dhinaca qalab iyo tababarka.
  3. In Imaaraadka carabtu ay ogollaadeen iibsiga xoolaha nool ee Somaliland, iyadoo si toosa loogu dhoofin doono imaaraadka.
  4. Madaxda dalka imaaraadka carabtu waxay muujiyeen sida ay dal ahaan uga go’an tahay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo cadowga labada dal ku sifeeyey kuwo ka xun xidhiidhkooda isla markaana miciin biday warar qaldan oo qaybo ka mida warbaahinta la mariyo.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu ku bogaadiyey weftiga imaantinkooda, isagoo uga mahadnaqay sida fiican ee wax ku oolka ah ee ay uga soo jawaabeen qaybihii ugu horreeyey ee ballan-qaadyada waqtigii madaxweynuhu safarka ku tegay dalka UAE, isaga oo si gaara ugu mahadnaqay fursadda ay siiyeen ogolaanshaha Baasaboorka Somaliland ee dal-ku-galka imaaraadka carabta, wuxuuna soo dhaweeyey fulinta qodobaddan muhiimka u ah qaranka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Waxa uu weftiga u ballan-qaaday in xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay ka go’an tahay xoojinta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah, isla markaana uu xidhiidhkaasi noqdo mid midho dhal ah.

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here