Akhri:- Shirar-doceedyo Iyo Kulan Qarsoodiya Oo Ku Saabsan Qaabkii Maamul-goboleed Cusub Oo La Doonayo In Laga Sameeyo Gudaha Xaduudka Somaliland

0
242
Akhri:- Shirar-doceedyo Iyo Kulan Qarsoodiya Oo Ku Saabsan Qaabkii Maamul-goboleed Cusub Oo La Doonayo In Laga Sameeyo Gudaha Xaduudka Somaliland

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Madaxweynaha dawladda faderaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, Xildhibaano iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Daarood, oo shirar hoose iyo kulamo ay kaga wada-hadlayaan qorshe ay doonayaan in maamul-goboleed cusub ugu sameeyaan deegaanada Gobolka Sanaag iyo Sool, ayaa ku yeeshay  magaalada Muqdisho.isla markaana Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Baarlamaanka maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland Dhooba Daareed ayaa socdaal ku tegay magaalada Muqdisho.

Dhooba Daareed ayaa maanta la dejiyay huteelka Jazeera,halka galabtana la dajiyey huteel kale oo magaciisa la yidhaahdo Paradise oo ku yaalla meel u dhaw Airport-ka  magaalada Muqdisho.Isla markaana Qorshaha socdaalkiisa ayaa lagu sheegay in ay ka dambeysay dowladda Soomaaliya isaga iyo siyaasiin kale oo degaanada Puntland xilal kala duwan hore uga soo qabtay mamaulka Puntland.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, kana ag-dhaw Dhooba Daareed, ayaa sheegay Innuu  abaabulayo dhismaha maamul goboleed  cusub oo la doonayo in loo bixiyo Maakhir State oo ka shaqeyn doona degaano ka mid ah  Gobollada Sool iyo Sanaag, ee xaduudka dhulka Somaliland ah,iyadoo la cadeeyay in xubnaha arrintan wada ee abaabulaya uu ka mid yahay safiirka dawladda soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Cabdixakiin Camey. Balse ila-wareedyadaa ayaa xusay in todobaadkii hore ee u dambeeyay safiirka dawlada soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ee Adis’ababa iyo Dhoob Daareed ayaa magaalada Addis’ababa kula kulmay ergeyga Turkiga u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland Olgar Bekar,

Waakan Sawirka iyo cadeynta kulankooda
Waakan Sawirka iyo cadeynta kulankooda

kuwaasoo la sheegay inay kala hadleen Ergayga Turkiga Olgar dhaqaale iyo taakulayn lacag ah inay ku caawiyaan maamulka cusub ee doonayaan in ay ka sameeyaan gobolada Sanaag iyo Sool oo ka mid ah xaduudka Somaliland in arrimahaa ay kala hadleen ergayda Turkiga.

Baraarugnews@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here