Akhri Xogta:-Sideed Iyo Afartanka Saacadood (48 Saacasood) ee Soo Socda Oo La Sheegay Innuu Dagaal Adag Dhex-maridoono Ciidamada Qaranka SOmaliland Iyo Maamul-goboleedka Somalia ee Puntland

0
2658

Tukaraq,(Baraarugnews.net)-Abaabul dagaal ayaa ka socda  deegaanka Tukaraq ee isku horfadhiyaan ciidamada qaranka Somaliland iyo ciidamada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, isla  markaana xiisad colaadeed oo u dhexaysa ciidan maamul-goboleedka Puntland ayaa saacadihii u dambeeyay ayaa waday abaabul dagaal oo aad u badan ayey wadeen saacadihii u dambeeyay ilaa maanta iyo caawa ay ku soo daad gureeyeen agagaarka Geed-qaboobe oo dhinaca Garoowe ka xiga Tuulada Tukaraq, Balse masuuliyiinta maamul-goboleedka Puntland inay diyaariyeen qorshayaal ku aadan inay qadaan dagaalka ka dhanka ah oo puntland ku soo qaadan ciidamada somaliland ee ku sugan deegaanka Tukaraq Soomaaliland, kuwaasoo wax ay ugu yeedheen inay u diyaar garoobayaan duulaankii ugu cuslaa ee  ugu dambeeyey ee lagu qaado goobta ay ku sugan yihiin ciidamada qaranka Somaliland ee deegaanka Tukaraq,

Xogo lagu kalsoon yahay, oo u dhuun daloola colaada ka aloosan Somaliland iyo maamul-goboleedka soomaaliya ee puntland oo xidhiidh la samaysay wakaalada Baraarugnews.net, ayaa u xaqiijiyey in sided iyo afartanka saacadood ee soo socda la filaayo innuu dagaal xoogan oo aad u adag dhex-maro ciidamada Somaliland iyo maamul-goboleedka soomaaliya ee puntland, isla markaana xogahaa ayaa xaqiijiyey in maamul-goboleedka soomaaliya ee puntland uu ciidamo beeleedyo aad u tiro badan ay soo dhoobeen oo boqolaal kun kor u dhaafaaya ilaa maanta iyo ilaa caawa gurmadka ka imanaaya dhinaca puntland aad u badan yahay ee soo gadhaaya deegaanka God-qaboobe iyo aaga Tukaraq ee isku hor-fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo maamul-goboleedka soomaaliya Puntland.

Ciidamada maamul-goboleedka Puntland keenay deegaanka Tukaraq ka xiga dhinaca Garoowe, ayaa la sheegay inay qorsheeyeen inay afar jaho ama afar dhina iyo in kabadan ay ka soo weeraraan ciidamada Somaliland eek u sugan deegaanka Tukaraq sideed iyo afartanka (48 saacadood), saacadood ee soo socda waxa la saadalinayaa innuu dagaal ku dhex-maro deegaanka Tukaraq iyo ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamada Somaliland ee ku sugan jiidaas Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Balse xogahaa ayaa xaqiijiyey in ciidamada Somaliland ay dhinacooda difaac xoogan galeen, iyagoo isu-diyaariyey oo difaac xoogan xidhay sidii ay iskaga difaacilahaayeen weerarka xoogan ee qorshaysay mamaulka Puntland inay ku qadaan ciidamada Somaliland ee Tukaraq.

Hase yeeshee, xogahaa ayaa hoosta ka xariiqay in la filayo in dagaal dhaco sided iyo afartanka saacadood ee soo socda, ilaa maalmahan fooda inagu soo haya, haddii uu dhiciwayo sided iyo afarkanka saacadood oo la ogaado in hawl-galada weerar eek u soo maqan ciidanka Somaliland ee jiida hore ee Tukaraq ay mar walba dagaalku dhicikaro oo aad ugu hawlan tahay puntland inay dagaal qaado aad u adag oo doonayso inay ku jabiso ciidanka Somaliland ee tukaraq inta lagu jiro bisha Ramadaan  oo aanay wanaagsanayn xaalada halkaa ka taagan ay tahay mid aad u cakiran oo halis ah.

Caarshe7@hotmail.com

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here