Akhriso:-Raysal,wasaare Rooble Iyo Madaxda Maamul-gobeleedyada Beesha Hawiye Ee Soomaaliya Oo Dhir-baaxo Kuluul Ku Dhuftay Madaxweyne Farmaajo

0
138
Akhriso:-Raysal,wasaare Rooble Iyo Madaxda Maamul-gobeleedyada Beesha Hawiye Ee Soomaaliya Oo Dhir-baaxo Kuluul Ku Dhuftay Madaxweyne Farmaajo
Akhriso:-Raysal,wasaare Rooble Iyo Madaxda Maamul-gobeleedyada Beesha Hawiye Ee Soomaaliya Oo Dhir-baaxo Kuluul Ku Dhuftay Madaxweyne Farmaajo

Akhriso:-Raysal,wasaare Rooble Iyo Madaxda Maamul-gobeleedyada Beesha Hawiye Ee Soomaaliya Oo Dhir-baaxo Kuluul Ku Dhuftay Madaxweyne Farmaajo

Muqisho,(Baraarugnews.net)-Raysal,wasaaraha dawladda faderaalka Soomaaliya Rooble iyo madaxda maamul-goboleedyada beesha Hawiye ee Soomaaliya Galmudug Hirshabeel ayaa dhabarka ka jabiyey madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaaji, isla markaana waxa isna ku soo biiray maamul-goboleedka Soomaaliya ee Koonfur Galbeed ayaa isna ka soo horjeestay Farmaajo.

War-saxaafadeed uu soo saaray Raysal,wasaare rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay xafiiska wararka ee shabakada Baraarugnews,net ee magaalada Muqdisho ayaa u dhignaa sidan:-

1- Waxaan ku celinayaa markale sida aan uga xumahay xiisadaha colaadeed ee ka jiray Magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay iyo natiijada xun ee ka dhalatay, taas oo sababtey barakaca Shacab badan oo danyar ah.

2- Waxaan soo dhawaynayaa Warmurtiyeedka ay soo saareen labada Dowlad-goboleed  Hirshabelle iyo Galmudug. Dowlad-Goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Benaadir, waxaan ka codsanayaa in ay qeyb ka qaataan geedi socodka nabada iyo dardar gelinta doorasho xor iyo xalaal ah.

3- Sida ku caddayd barnaamijkii xukuumadayda ee aan Baarlamaanka ka hor-aqriyay waxaan diyaar u ahay in aan dalka ka hirgaliyo doorashadii lagu heshiiyay 17-kii September 2020.

4- Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Dalka, waxaan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan in uu dalku aado Doorasho isla markaana la joojiyo dhaqdhaqaaq kasta oo wax u dhibaya arrimaha doorashooyinka iyo xasiloonda Dalka.

5- Ciidamada Qalabka sida waxaan farayaa in ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah isla markaana ay sugaan Amniga, si gaar ah waxaan taliyayaasha ciidamada u farayaa in dib loogu celiyo ciidamada xeryahooda.

6- Siyaasiyiinta Mucaaradka ah waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan ficilada iyo dhaqdhaqaaqyada abuuraya Colaadda, waana in ay ku ekaadan Guryahooda iyo Goobahooda gaarka ah.

7- Doorka beesha caalamka waa muhiim, waxaan codsanayaa in ay sii wadaan taageerada ay u fidiyaan dadka iyo dowlada Soomaaliyeed.

8- Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan waxaan ka codsanayaa in ay nagu garab istaagaan dedaalada nabadaynta iyo xasilinta Dalka iyo sidii aan si nabad ah doorasho uga hirgalin lahayn Dalka.

Wa Billaahi Towfiiq.”

Geesta kale, warsaxaafadeedyada ay si wada jir ah u soo saareen madaxweynayeyaasha maamul-goboleedka Galmudug iyo Hirshabeel ayaa isna u dhignaa sidan:-

Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa isku raacay in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka Soomaaliya si meesha looga  saaro xaaladda karin ee ka dhalatay muddo kordhintii uu barlamaanka sameeyay.

Labada maamul ayaa qoraal wadajir ah oo ay soo saareen waxay ku diideen wax muddo kordhin ah, waxayna isku raaceen in doorashada lagu galo heshiiskii 17 sebtember.

Waxay sidoo kale isku raaceen in meesha laga saaro wax kaste oo ka hor imaan kara ama caqabad ku noqon kara hirgalinta heshiiskii doorasho ee 17 september.

Galmudug iyo Hirshabelle waxay ahaayeen maamulada wada shaqaynta dhow laleh dowladda federalka Soomaaliya, kuwaas oo markii hore taageeray go’aankii barlamaanka.

Dhinaca kale madaxweynaha Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed  Lafta Gareen ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay qaateen maamulada kale ee Galmudug iyo Hirshabeelle ee ka soo horjeestay muddo korarsiga dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale oo dhaweysay go’aanka uu qaatay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo ku baaqay in doorasho la aado lagula laabtay wadahadalladii socday.

Koonfur Galbeed ayaa ku baaqday

In dib loogu noqdo wadaxaajoodka doorashooyinka si waafaqsan heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 iyo talo-soojeedintii kasoo baxday wadatashigii Guddigii Farsamada ay ku yeeshaan magaalada Baydhabo 16kii Febraayo 2021.

In laga fogaado wax walba oo dhaawici kara midnimada, wadajirka iyo nabadgalyada dalka, lagana fogaado siyaasadeynta iyo kala qeybinta Ciidamada Qalabka Sida.

In Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka Ah ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan xasilloonida iyo geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuu uga mahadcelinayaa Beesha Caalamka iyo saaxibada kale ee Soomaaliya taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Lama oga go’aanka ay qaadan doonto madaxtooyada Soomaaliya mar haddii go’aan isku mid ah oo ka dhan muddo korarsiga qaateen saddexda maamul gobolleed ee siyaasad ahaan aadka ugu dhawaan Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Horay waxaa go’aanka muddo korarsiga u diidanaa maamul gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland, taasoo ka dhigan in hadda shanta dowlad gobolleed qaateen mowqif isku mid ah.

Email:-Baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here