
Muqdisho, (Baraarugnews.net)-Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali 9Dhuxulow),oo u sharaxan jagada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ka dayriyey xaalada iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka aloosan koonfurta Soomaaliya, isla markaana wuxuu sheegay in caawa ciidamo boolis iyo kuwa sirdoonka NISA ah iska hortaageen.
Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali oo la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in munaasibad xaflad aheyd oo lagu tageerayey murashax-nimadiisa jagada Madaxweyne ee Soomaaliya oo ka dhci laheyd Huteelka Afriik, oo ku yaalla agagaarka is-goyska KM-4 ee magaalada Muqdisho in markii ay bilaami laheyd ay joojiyeen ciidamo isugu jiray booliska iyo Nabad sugid oo halkaas yimi, waxaanuu yidhi. “Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin waxay soo rogeen dhaqan cusub oo ah in lagu tunto sharciga dalka, dadka qaar waa handadeen, qaarna dhibaatooyin joogto ah ayey ku wadaan.”
Xildhibaan Mustafe wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi. “Waxa cad in aaney ogolayn in doorasho dalkan ka dhacdo.Waxa cad in aaney ogolayn in lagu tartamo doorashada dalkan.waxa cad inay rabaan in si kalis talis-nimo ah dalka ku haystaan oo runtii aad iyo aad dib-u-dhac ku keeni karta dalka. Waxa jira qorshayaal lagula dagaalamayo raga murashaxiinta ah.”
Sidoo kale, Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow wuxuu sharaxay sababaha keeni kara in dib=u-dhac weyn soo food saaro hannaanka uu ku socday dalka soomaaliya, waxaanuu yidhi. “Sababtu waxay tahay. anagii madaxda aheyn, dadka oo dhan na yaqaanay, oo siyaasada uga soo horaynay Farmaajo, oo dadku nayaqanaan ayaanu meel aanu ka marno la nahay, oo naftayadii maanta halis bay ku jirtaa. Dadka na tageeraaya iska dhaaf.Taasina waxay muujinaysaa inay yihiin dad tikteetar ah, kana soo hor jeeda dawladnimada iyo dimuqoraadiyada, dalkana god ku rididoona.”
baraarugnews@gmail.com/ caarshe7@hotmail.com