“Aniga iyo ninka maanta shaqada iga eryay waxay isku reer yihiin  oo adeer u ah  Muuse Biixi Cabdi.

0
338
“Aniga iyo ninka maanta shaqada iga eryay waxay isku reer yihiin  oo adeer u ah  Muuse Biixi Cabdi.

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Guuleed Maxamed Ismaaciil, oo ka tirsanaa shaqaalaha madaarka Hargeysa, ayaa laga eryay shaqadii, isla markaana sababaha shaqada looga caydhiyey ayaa waxa keentay markii uu barta uu ku leeyahay facebuugiisa ku qoral fariin qoraal ah oo uu ku tageerayo murashaxnimada Maxamuud Xaashi Cabdi ee jagada kursiga Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye.

“Warqadii shaqada laygaga eryay waxa laygu soo dhiibay inan iga hooseeyay shaqada.hadii qofka shaqaalaha ah uu danbi galo ama khalad galo waxa uu xaq u leeyahay in maamulkiisu yeedho. Markii aan maamulkaygii aan waydiiyey sababta shaqada layga joojiyey. Wuxuu sicad maamulka madaarka Hargeysa si cad iigu sheegay in shaqada lagaga eryay in facebuugayga aan ku qoray qoraal aan ku taageerayo Maxamuud xaashi Cabdi .bartayda facebuugayga qaraal yar aan ku qoray oo ahaa. In Maxamuud xaashi cabdi uu u qalmo jagada Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye. Si ofishal ah fursad shaqo ah loo shaaciyey oo ka soo baxday hayadda duulista  madaarada Somaliland 2011-kii safaaradda ingiriiska ayaa imtaxaan naga qaaday. Aniga iyo ninka maanta shaqada iga eryay imtaxaanka waanu wada galnay. Ninka shaqada iga eryey waxay isku reer yihiin  ama isku hayb yihiin muuse Biixi Cabdi,oo adeer u ah, wuxuuna ii adeegsaday shaadhka adeerkii Madaxweyne Muuse Biixi, waanu wada galnay imtaxaanka aan shaqada aan ku helay, laakiin isagu wuu ku dhacay imtaxaankii ay naga qaaday safaarada ingiriiska. Maxamuud Xaashi Cabdi ma jirto shaqo uu I siiyey. Shaqaalihii wakhtigaas ila joogay way joogaan. Laba boqol iyo koton (25o), ayaanu imtaxaanka ku galnay. Todobaatan ayaanu kaga soo baxnay, laakiin isagu kuwii dhacay ee naga hadhay ayuu ka mid ahaa. Waxa waraaqda ku saxeexan maamulaha Madaarka Hargeysa. Waxa sharci daro ah in aanu ku saxeexnayn oo aanu qorin maareeyihii hayadda duulista madaarku ku qornayn oo sharci daro weeye. Waxa sharci daro ah in Agaasimaha guud ee wasaarada duulistu  shaqo ku laheyn oo aanu qorin. Waxa kaliya ee waraaqda shaqada laygaga joojiyey ka timid oo kaliya maamulaha iyo maamule ku-xigeenka madaarka, iyaga ayaa is ogaysiinaaya oo kaliya. Maamulaha madaarka Hargeysa oo maamule kuxigeenkiisii ogaysiinaaya in shaqada layga eryay laygana joojiyey ama layga fadhiisiyey, aniga. Sidaas ayaa waraaqda ku cad. Sifo sharciya maaha, hayada shaqaalaha ah igamay joojin, imana yeedhin. Shaqo adag ayaan u hayey qaranka, meesha ugu xasaasiya ayaan joogay diyaaradahaas oo dhan amnigooda ayaan masuul ka ahaa.”Ayuu yidhi Guuleed Maxamed Ismaaciil oo waraysi siiyey Telifeeshanka Sahan.

Guuleed Maxamed Ismaaciil, wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi,“Waxa kale  oo liiskooda iyo magacyadoodu yalaan hayada shaqaalaha,lana dawcweeyay ayaa jira.qaar kale oo ka mid ah shaqaalaha madaarka ayaa loo hanjabay, loogu cago jugleeyay, haddii mar dambe ay siyaasiga maxamuud xaashi ka hadlaan talaabo laga qadayo.Waxa hadda lay sheegay in inan kale laga eryay shaqadii madaarka oo ay ka soo baxday, markaa arrimo badan ayaa socda.”

Office Hargeysa Caarshe7@hotmail.com Ama Emial: Baraarugnews@gmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here