“Aniga, Waxay (Shacabku),Igu leeyihiin Maanta Madaxweynihii Hore (Axmed Siilaanyo),Ayaa Dhaamay.”

0
971

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta markii uu ka baxay aqalka madaxtooyada Magaalada Hargeysa, ayaa socdaal kormeer ah oo uu ku tegay qaar ka mid ah Wasaaradaha dawladiisa sii maray goobaha ay shacabku isugu yimadaan ama ku badan yihiin, isagoo gaadhiga uu saarnaa oo muraayaha daaqada dajiyey si uu halkaa uga salaamo shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa.

Sida Sawirka halkan idinka muuqda waa Madaxweyne Muuse Biixi  Cabdi oo waayey cid kaliya oo isu-soo taagta maanta ama salaanta gacanta uu kor u tagayey ee uu doonaayey innuu dadka ku salaamo ayaa waayey cid kaliya oo soo eegta dhinicii daaqada gaadhigii uu saarnaa oo xigtay dhinaca iyo jidadka laamiga ay shacabku maraan, taasoo sababtay in qofkasta oo rag iyo dumar-ba markay arkaan Madaxweyne Muuse Biixi oo gacantiisii intuu kor u taagay u ruxaaya shacabkii joogay mukhaaxiyaha shaaha laga cabo ee isugu yimadaan bulshada xilliga maalin-nimada ama dadka maraaya shaaraca waddooyinka laamiga dhinacyadiisa lugaynaaya ayuu isku dayey innuu salaamo Madaxweyne Muuse Biixi. Balse Madaxweyne Muuse biixi ayaa waayey hal qof oo isu soo taaga, salaantana ka qaada Madaxweynaha gacantu daashay siduu kor ugu tagayey una lulayey si uu gaadhiga dhexdiisa uga salaamo shacabka marayey shaaracyada laamiga jidadka weyn ee hor mara madaxtooyada Hargeysa ee halbawlaha magaalada dhex-mara ee Hargeysa, markii gacantu daashay Madaxweyne Muuse Biixi oo marayey magaalada dhexdeeda ee Hargeysa, waayey cid tidhaahda Madaxweyne Muuse Biixi dareemayna in shacabku karahsan yihiin hogaamintiisa madaxweynimada dalka Somaliland dhabarkana loo soo jeediyey qof wal-bana intuu sidaa u eego ka jeesto ayaa markii uu waayey cid tidhaahdaba Madaxweyne ee dhabarka loo soo jeediyey daashayna gacantii siduu kor ugu tagayey hoos iskaga dhigay gacantiisii.

Hase yeeshee, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa markii uu gaadhay Wasaaradda qorshaynta oo ku taala Xaafadaha shacabka Magaalada Hargeysa, ayaa halkaa ka jeediyey hadal, balse Muuse Biixi ayaa hadalkii halkaa uu ka jeediyey oo u dhacayey canaan uu dadka ku magayo isagoo muuqaalka dareenkiisu u dhacayey inay taabatay sida looga niyad jabay loona nacay ku taraabay hadalo ah aflagaado iyo canaan isugu jiray, kuna tilmaamay inay meel walba maanta shacabka reer Somaliland leeyihiin Madaxweynihii hore  AXMED Siilanayo ayaa dhaamay waxaana ka mid ahaa hadalada khudbadiisii maanta sidan”Aniga Waxay  igu leeyihiin shacabku Madaxweynihii hore ayaa dhaamay. Mid kasta oo ku yimaada wuxuu igu odhanayaa Wasiir hebel bedel. Yar iyo weyn qaad ayey I waydiinayaan.”Erayadaa iyo qaar kale oo hadal Madaxweyne aan aheyn ayuu ka jeediyey hoolka Wasaarada qorshaynta, iyadoo canaantii maanta ku jirtay ay sabab u aheyd markii uu waayey maanta shacabka hargeysa qof yidhaahda Madaxweyne, halka Madaxweynihii kahoreeyay Axmed siilaanyo markuu soo maro shaaracyada iyo goobaha shacabku isugu yimadaan ee mukhaaxiyaha shaaha laga cabo lagu soo xoomi jiray.

Imeel Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here