“Anigu wasiir Guray Barwaaqo ka liita ma garanayo wasiirka reer Hargeysa ah ee Agaasimihiisii Guud oo reer Sanaag Barigeeda ah sadex bilood shaqo ka joojin ugu qoray. Anigu Bahdilaad Baan U…”

0
342

Hargeysa, (Baraarugnews.net)-“Anigu wasiir Guray Barwaaqo ka liita ma garanayo wasiirka reer Hargeysa ah ee Agaasimihiisii Guud oo reer Sanaag Barigeeda ah sadex bilood shaqo ka joojin ugu qoray. Taas anigu bahdalaad baan u arkaa. Waa wasiir aan farsamo-yaqaan aheyn, siyaasina ahayn markaa wax aan khasaare ahayn uu soo kordhin karaa ma jirto.

Wasaaradda Warfaafinta inta wasiir dhex fadhiyo weligeed toosi mayso, waayo maaha wasiirku ka isagu ay tahay ama ka masuulka ah socodsiinta hawlmaalmeedka wasaaradda ee waxa ah Agaasimaha Guud.

Dawlad wanaaga waxa gees marsan oo Somaliland ragaadiyay wasiiro iyagu wasaaradihii qoorta ku duubtay oo isagu maamulaya isagoon maamuli karin. Marka uu ka tago ku cusub oo ayaa isaguna markiisii ay noqotay baa la wareegaya isaga ayaana sidii kit hore yeeli jiray isaguna markiisa yeelaya oo hadana ka tegaya. Markaa xaalku saw ha wareegto giraantu uun maaha miyay haya’do ama wasaarado sidaa ku dhismi karaan? Sidaa ayuu ku faafiyey barta uu ku leeyahay baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebuugiisa Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), oo kaga hadlay qaabkii xilka looga qaaday Agaasimihii guud ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cali Caliyow.h

Baraarugnews.net Iimeel:- Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here