“Anigu, waxaan Gurigeyga ku qaabilnay maanta Danjiraha Midowga Yurub oo aan kala hadalnay miisaaniyadda doorashooyinka iyo diiwaangelinta,

0
168

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)-ayaa ka hadlay waxyaabaha uu maanta kala hadlay danjiraha midowga Yurub.
Guddoomiyaha xisbiga waddani Cabdiraxmaan Cirro oo qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee facebuugiisa, isla markaana qoraalkaas oo xafiiska wararka ee warbaahinta Baraarugnews.net xafiiskeeda wararka ee magaalada Hargeysa oo ka soo xigatay bayjka Guddoomiyaha xisbiga Waddani cabdiraxmaan cirro ayaa u dhignaa sidan:-“Guddoomiye Faysal iyo Anigu, waxa aan Gurigeyga ku qaabilnay maanta Danjiraha Midowga Yurub Mudane Nicholas Berlanga, oo aan kala hadalnay arrimaha doorashooyinka isku sidkan, gaar ahaana miisaaniyadda doorashooyinka iyo diiwaangelinta, Waxa kale oo aan kala hadlanay sidii Beesha Caalamka u kordhin lahayd Kaalmada horumarineed ee la siiyo Somaliland.”ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here