Askar Ka Tirsan Ciidanka Somaliland Oo Lagu Xidhay Gobolka Sool &Sababaha Keenay

0
601
Askarta Sool Baraarugnews.net

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Ilaalada askarta Badhasaabka Gobolka Sool ee Somaliland, ayaa rasaas ku dilay haweenay hooyo ah iyo ilmo yar oo gabadh ah, isla markaana hooyadan iyo ilmaha yare e ay dileen askarta ilaalisa ama la socda Guddoomiyaha Gobolka Sool, ayaa saarnaa gaadhi marayey jid u dhaw guriga uu ka degan yahay gudaha magaalada Laascaanood  Badhasaabka Sool. Warku wuxuu intaa ku darayaa dilka hooyada iyo ilmaha yare e la socday gaadhi ay saarnayeen xalay oo ku beegnayd habeen waalidiintu u iibinayeen ubadkooda dharka Iida ayaa la sheegay in ilaalada askarta badhasaabku ay rasaas ooda kaga qaadeen gaadhiga ay saarnayeen hooyada iyo ilmaha yar ee ku geeryooday rasaasta hawiyeen askarta ku sugnayd guriga Badhasaabka sool oo ka shakiyey gaadhiga sida la sheegay, iyadoo la tilmaamay in qaabka ay askartu u riday rasaasta ama falka u samaysay u eekayd in maandooriyaha daraagiska ee badela qofka inay is ticmaaleen.

Sidoo kale, askar ka tirsan ciidanka booliska magaalada Laascaanood, kana gaabsaday in magacooda la sheego ayaa u xaqiijiyey Wakaalada Baraarugnews.net xafiiska wararka ee  magaalada Laascaanood in la xidhay todoba askari oo ka mid ahaa ilaaladii askarta badhasaabka Sool ee rasaasta riday, isla markaana dhacdadan lagu dilay hooyada iyo ilmaha yar ayaa la sheegay inay muujinaysa sawir ah dareen badan oo shaki ah, kaasoo ku soo beegmaaya xilli saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka ee jiidaha hore ee Somaliland ay u goosteen xaduudaha maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland, halkaana kaga dhawaaqay jabhad ay u bixiyeen cadaalad raadinta Somaliland, lagana soo horjeedo hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi.

Hase, yeeshee jabhadaas oo uu hogaamiyo taliye Caare ayaa shalay mar uu la hadlay warbaahinta Puntland ayaa sheegay inay dagaal ku qaadayaan xukuumadda Muuse Biixi.

Baraarugnews.net


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here