Askari Ka Tirsan Ciidanka Militariga Somaliland Oo Toogasho Ku Dilay Askari Kale Alle Ha U Naxariistee Dhegeweyne &Ka Wada Tirsanaayeen Qaybta 7-aad Ee Gobolka Sool

0
109
Askari Ka Tirsan Ciidanka Militariga Somaliland Oo Toogasho Ku Dilay Askari Kale Alle Ha U Naxariistee Dhegeweyne &Ka Wada Tirsanaayeen Qaybta 7-aad Ee Gobolka Sool
Askari Ka Tirsan Ciidanka Militariga Somaliland Oo Toogasho Ku Dilay Askari Kale Alle Ha U Naxariistee Dhegeweyne &Ka Wada Tirsanaayeen Qaybta 7-aad Ee Gobolka Sool

Sool,(Baraarugnews.net)-Askari Ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanka Gobolka Sool, ayaa toogtay Askari kale oo ka wada tirsanaayeen ciidanka militariga Somaliland, iyadoo marxuumka askariga la dilay lagu magacaabi jiray alle ha u naxariistee Dhegeweyne, isla markaana askariga dilay askariga ay isku ciidanka ahaayeen, ayaa la sheegay in dhawr jeer ay isku dhaceen oo khilaaf hakad galiyey wada shaqayntooda ay keentay in askari wada shaqaynayeen uu xabad ku dhufto askarigii kale oo xiligaa ku sugnaa magaalada Yagoori ee Gobolka Sool.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in askariga dilay askariga kale oo marxumka askariga la dilay ee Dhegeweyn oo xilligaa ku sugnaa gudaha magaalada Yagoori ee Gobolka Sool, ayaa la sheegay in askariga dilka gaystay oo magaciisa noo suurta galin innaanu helno, ka tirsanaa qaybta todobaad (qaybta 7-aad)- ee ciidanka qaranka Somaliland, Balse Askariga la dilay Dhegeweyne ayaa isna ka tirsanaa qaybta todobaad (Qaybta 7-aad), ee isla ciidanka qaranka Somaliland.

Xogo lagu kalsoon yahay oo saraakiisha ciidanka qaranka Somaliland,kana cudur daartay in magacooda la sheego sababa la xidhiidha in saameyn warkan ku keeno, ayaa sheegay in hogaanada ciidanka qaranka gaar ahaa xubnaha isku beel ka soo jeedaan Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Nuux Taani ay isu-adeegsadaan askari innuu askari kale oo isku ciidan yihiin uu u soo basaaso ama ka soo horjeedo innuu xukumo. Balse xogahaa ayaa tibaaxay in hogaanada ciidanka qaranka iyo hawl-galinta ciidanka oo inta badan saraakiisha ciidanka ay ka soo jeedaan beesha Madaxweyne Muuse Biixi iyo Taliyaha ciidanka Nuux Taani, taasna qayb ka tahay tabasho weyn oo ka dhex jirta wakhti xaadirkan ciidanka qaranka Somaliland.

Baraashug00@gmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here