Bal Akhri:- Magac-xumada Iyo Ceebta Ku Qoran Warsaxaafadeedka Ka Soo Baxay Aqalka  Madaxtooyada Muuse Biixi Ee Hargeysa.

0
1273

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-“Madaxweynuhu isagoo si taxadar leh ula socda hagar-daamooyinka iyo tallaabooyinka horumar nacaybka ah ee ay Soomaaliya qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo dimuqraaddiyadda ka hana qaadday ku diiddan tahay, waxa uu shir-guddoonka iyo xubnaha xisbiyada mucaaridka ah metelayey ku lafo-gureen kulankaasi sidii arrimaha soo kordhay isku duubni iyo wada-jir ummadeed loogu qaabili lahaa, isla markaana loo dhawri lahaa midnimada shacabka iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay shir-guddoonka labada gole iyo hoggaanka axsaabta mucaaridka ah, ayaa waxa goob-joog ka ahaa guddoomiyayaasha goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Mudane Faysal Cali-waraabe iyo wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo xidhidhka goleyaasha, Mudane Sacad Cali Shire iyo  Maxamed Xaaji Aadan, waxaana uu madaxweynuhu xubnaha la wadaagay muhiimadda ay leedahay sidii talo midaysan oo qaran, isla markaana sal ballaadhan looga yeelan lahaa gardarrada ay Soomaaliya sdai daba joogga ah ugu hayso qarannimada Somaliland.”Sidaa ayaa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo diray wiil ay eedo u tahay marwada Kabtan Muuse Biixi Naasir.

Geesta kale, Warsaxaafadeedkan maanta ka soo baxay aqalka Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnaa wiilkan oo eedo u tahay heweenayda uu qabo Madaxweyne Muuse Biixi, laguna magacaabo Naasir Yuusuf Daahir, isla markaana teelalka uu ku hayo aqalka isu-badelay beesha ee lagu sheego madaxtooyo Somaliland, ayaa u dhacayaa astaanta wiilkan uu adeerka iyo xididka la yahay Muuse Biixi innuu isagu yahay afhayeenka madaxweyne Muuse Biixi, taasoo macnaheeduna yahay awooda iyo xil qarsoon, laakiin afhayeenka madaxweyne muuse biixi magacaabay uu yahay magac u yaal. Balse wiilka islaanta Muuse Biixi eeddada u tahay Naasir ayaa warsaxaafadeedka madaxtooyada soo raaciyey weedho jeebkiisa ah oo ku eeddaynayo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan, isagoo qaab qoraalka uu ugu jiro warsaxaafadeedka madaxtooyada Muuse Biixi, lagaga daray xaga dambe, habka uu u dhacayana muujinayo ama cadayn u ah innuu wiilkan la wareegay masuuliyadii iyo awoodii afhayeenka madaxweyne Muuse Biixi iyo maamulkii xafiiska afhayeenka ayaa waxay ka turjumaysaa inuu yahay isagu afhayeenka madaxweynaha ee aqalka madaxtooyada Muuse Biixi ee halkan hoose ka akhri:”Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo kulankan qaran ee lagu marti-qaaday ka cudur daartay, , isla markaana  aan kasoo qaybgelin.”Sidaa ayuu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay aqalka madaxtooyada Somaliland oo uu soo saaray Naasir Yuusuf Daahir

Line: 518390


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here