Beelaha (Qabiilooyinka), Ay Ka Soo Jeedaan Xubnaha Uu Madaxweyne Farmaajo U Magacaabay Guddida Wada-hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya Iyo Xilalkii Ay Ka Hayeen Dawladdii Maxamed Siyaad Barre &Xubnaha Ka Soo Jeeda Beelaha Degan Somaliland &Maxay Ka Aamisan Yihiin Gooni Isu-taaga Somaliland?

0
249
Beelaha (Qabiilooyinka), Ay Ka Soo Jeedaan Xubnaha Uu Madaxweyne Farmaajo U Magacaabay Guddida Wada-hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya
Beelaha (Qabiilooyinka), Ay Ka Soo Jeedaan Xubnaha Uu Madaxweyne Farmaajo U Magacaabay Guddida Wada-hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa magacaabay Guddi uu ugu yeedhay waddahadalada Somaliland iyo soomaaliya, isla markaana Kooxda uu u magacaabay madaxweyne Farmaajo wadahadalka Somaliland, ayaa ah xubno si-weyn u neceb oo dagaalo dhanka siyaasadda ah iyo xillligii dawladdii siyaad bare-ba kula kacay arrimo waxyeelo ah shacabka Somaliland.

1-Xildhibaan Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil oo ka soo jeeda beesha Biyo-maal, kaasoo la sheegay innuu yahay shakhsi aad u nacen jiritaanka madax-bannaanida dawladda Somaliland, isagoo Xiligii madaxweynihii dhintay ee dawladdii Cabdillaahi Yuusuf wuxuu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda faderaalka,( TFG),waxaanu Sadex Jeer Warqada Joojin ah U Qoray Maxkamadii Qaadaysay Kiiskii Cali Samater eek u saabsanaa xasuuqyaddii dawladdii siyaad bare u gaysatey shacabkii Gobolada waqooyi ee immikana la yidhaahdo Somaliland. Ficilada kale ee Xildhibaan Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil uu kula kacay iyo dagaaladii uu ku soo qaaday dawladnimada Somaliland wuxuu ahaa Ninkii Hogaaminayey Mooshinkii DP World iyo Mooshinkii Saldhiga Berbera  ee ku joojinayeen balaadhinta dekeda Berbera mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo inta badan waraysiyaddiisa ku weerari-jiray gooni isu-taaga Somalilandka.

2- Janaraal Cabdiraxmaan Guul-wade, Waa Ninkii Guul-wadayaashii Kacaanka ahaan  Jiray ee dawladdii kacaanka aheyd ee Siyaad Bare Gabadhiisa Siiyey kacaanimo darted aaminsan in kacaan siyaad Bare ay Macsuumiin ahaayeen reer ahaana waa beesha Sheekhaal,laakiin wax xil ah kama hayo dawladda Farmaajo.

  1. Amb Cali Fiqi, waa Safiirka Biljamka ee Kooxda Villa Soomaaliya, waa Tuni ah Reer ahaan Waa Magacyare Siyaasadeed ah oo awood Kale lahayn.

4- C/raxmaan Baadiyoow, waa askri hore Wadaad Al-Islaax weyn ah oo Somaliland aad u neceb Reer ahaan waa beesha Abgaal, isagoo madaxweyne Farmaajo u qaabilsan oo ku mushahae qaataa La-Taliye.

5-Cali Axmed jaamac (Jengeli), Waa Nin Somaliland ka Ridoobay Reer ahaana ka soo jeeda beesha Dhulbahante gaar ahaan, waa reer Buuhoodle. Sharci maaha in la hor Fadhiisto kooxda Villa Somaliya iyaga oo Guddugooda Dad Reer Somaliland ahi Ku Jiraan oo ka soo jeeda dhalasho ahaan xaduudka Somaliland oo haddana dhinaca Soomaaliya u matelaaya wadahadalka, taasoo Madaxweynaha Soomaaliya khalad weyn ku galay, halkaasna ay ka muuqato in Farmaajo rabin in guul laga gaadho wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland.

6-Janaraal Axmed Jaamac Muuse, Waa Taliyihii ciidanka booliska(police-kii Somalia), dhawr iyo sideetamaadkii ee Kacaankii Maxamed Siyaad Barre. Waa ninkii aan aqoon meel ka yimi iyo meel, waxaana lagu sifeeyaa innuu yahay Xabadi keentaygii Cadmeed 1964-kii Weli Xamar sooma Dhaafin, Waa Saacadu Kaga Fadhiisatay Xiligii Siyaad Bare waqtigii uu Xilka hayey Reer Somaliland Way Naanaysi Jireen Naaleeye Habacsane Reer ahaan waa Beesha Habarjeclo ee magaalada  Ceerigaabo, isla markaana xubnahan ayaa la sheegay in Guddidan uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo aaney aheyn qaar wax ka go’aan  aaney aheyn ee ay yihiin qaar laga hagayo daaha dibadiisa oo ay qaadi Karin masiir ummada.

Email:-Baraashug00@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here