Beesha Caalamka Iyo Dawladaha Reer Galbeedka Oo Amaro Kala Duwan Ku Soo Rogay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo &Qodobada La Dul-dhay Iyo Dalabka Is-Casilaada

0
138
Beesha Caalamka Iyo Dawladaha Reer Galbeedka Oo Amaro Kala Duwan Ku Soo Rogay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo
Beesha Caalamka Iyo Dawladaha Reer Galbeedka Oo Amaro Kala Duwan Ku Soo Rogay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo

Muqisho,(Baraarugnews.net)-Beesha Caalamka ayaa la sheegay in ay saartay cadaadiskii ugu dambeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo,isla markaana shirar  iyadoo gaar-gaar ah oo madaxda beesha caalamku isugu timi, kagana wada hadlayeen xaalada iyo qalalaasaha siyaasadeed eek a aloosan gudaha dalka Soomaaliya ay ka soo saareen fariimo adag iyo amaro ku soo rogeen madaxweyne Farmaajo.

Xogo lagu kalsoon yahay ayaa Shabakada wararka ee Baraarugnews.net u sheegay in xubno sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, dowladaha Mareykanka iyo UK ay Madaxweyne Farmaajo hor dhigeen laba qodob oo kala ah.

1.In uu dib ugu laabto shirkii looga hadlayay arrimaha doorashada Soomaaliya ee teendhada Afisyoone, islamarkaana uu xaliyo khilaafka doorashada Soomaaliya.

  1. In uu is-casilo, haddii uu diido ku laabashada shirka ama uu xalin waayo muranka doorashada Soomaaliya oo gaadhay heerkii ugu sareeyay iyo xaalad xun oo amaan-daro.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweyne Farmaajo uu saaran yahay culeys xooggan oo dhanka dibadda ah. Balse xogaha ayaa sheegay in si isdaba joog ah ay ula soo xadhiidheen wakiilada beesha caalamka ee dalalka Mareykanka, UK iyo France iyo ururada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya Madaxweyne farmaajo.

Sidoo kale, Kulankii Golaha amaanka QM  ee xalay ka yeesheen arrimaha Soomaaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa loo oo jeediyay saddex qodob, kuwaas oo kala.

1.In dowladda  iyo maamulada dalka ay ku laabtaan shirkii Afisyooni.

2.In la dhaqan geliyo heshiiskii 17-Sep, ee doorashada Soomaaliya.

  1. in la saxiixo is afgaradkii guddidii ee Baydhabo lagu gaadhay 16-kii Feb ee sanadkaan, kaas oo ku aadanaa doorashada Soomaaliya.

Hase,yeeshee Madaxweyne Farmaajo ayaa la xusay innuu weli ka dhago-adeegayo baaqyada beesha caalamka uga imanaaya inuu ka laabto muddo kororsiga kursiga Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana xaalada murugsan ee ka taagan Soomaaliya  ku dhammaan doonto.

Email:-Baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here