Beesha Dhulbahante Oo Ku Eeddaysay  Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland  Innuu Yahay Shakhsiga Ka Dambeeya Dagaalka Qayaad Iyo Bahararsama Ee Sool &Dilalka Ka Dhaca Magaalada Laascaanood

0
592
Beesha Dhulbahante Oo Ku Eeddaysay  Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland  Innuu Yahay Shakhsiga Ka Dambeeya Dagaalka Qayaad Iyo Bahararsama Ee Sool &Dilalka Ka Dhaca Magaalada Laascaanood
Beesha Dhulbahante Oo Ku Eeddaysay  Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland  Innuu Yahay Shakhsiga Ka Dambeeya Dagaalka Qayaad Iyo Bahararsama Ee Sool &Dilalka Ka Dhaca Magaalada Laascaanood

Laascaanood,(Baraarugnews.net)-Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland  Saleebaan Cali Koore, ayaa ficilo iyo arrimo niyad jab iyo waji gabax ah kala kulmay Isimada, Odayaasha, Culumada, waxgaradka iyo dhalinyarada beesha Dhulbahante ee ku dhaqan deegaanada Gobolka Sool,Balse Wasiirka Biyaha xukuumadda Muuse Biixi Cali Koore ayaa meehanaabaya gudaha magaalada Laascaanood iyo deegaanada beesha uu ka soo jeedo markii cid-ba wax waydiin wayday.

Boqorka Beesha Daarood Boqor Burhaan oo socdaalka ay ku wehelinayaan Isimo kale oo ka soo jeeda beelaha Daarood, iyadoo weftiga uu hogaaminayo Boqor Burhaan ay magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyeen Garaad Saleebaan iyo Garaado kale oo ka tirsan Beelaha Dhulbahante ayaa ku soo dhaweeyay Boqorka Beelaha Daarood Burhaan. Isla markaana Isimada Beelaha daarood ayaa la sheegay in Wasiirka biyaha Somaliland  Saleebaan Cali Koore iyo dhamaan masuuliyiinta xilalka ka haya dawladda Muuse Biix.

Dad ka gaabsaday in magacooda la sheego sababa la xidhiidha amni ahaan ama nabad-gelyo ahaan inay waxyeelo ka soo gaadho warkan ayaa u sheegay Wakaalada wararka Xafiiskeeda magaalada Laascaanood in Beesha Dhulbahante  ku amreen inay faraha kala baxaan heshiiska labada beelood ee walaaha ah ee Qayaad iyo Bahararsame ee ku dagaalamay bariga magaalada Laascaanood ee Dhuumay, iyadoo la sheegay in Isimada beelaha dhulbahante ku eeddeeyeen Wasiir  Saleebaan Cali Koore oo kulan hoose kula yeesheen gudaha magaalada Laascaanood innuu yahay shakhsiyaadka gacanta weyn ku leh isku dilka iyo hurinta colaada labada beelood Qayaad iyo Bahararsama, iyadoo la sheegay in hadalkii Boqor Burhaan, Isimada doorood ee la socday iyo Garaado ka soo jeeda beesha dhulbahante ku yidhaahdeen Wasiir Saleebaan Cali Koore waanu og-nahay waxa aad faraha kula jirto iyo innaad soo abaabusho, lacag iyo shidaalna ku bixiso siday isu-dalaan Qayaad iyo Bahararsame, kuwaasoo la sheegay in Wasiir Saleebaan cali Koore iyo rag kale oo qaar kood ka tirsan yihiin xildhibaanada Aqalka Wakiilada Somaliland u hanjabeen, kuna yidhaahdeen waxaad meelahan la wareegayso ee aad la taagan tahay gidaarada magaalada Laascaanood iyo faqa mar-ba laba oday ama laba islaamood ugu yeedhanayso surunada iyo gidaarada xaafadaha laascaanood haddii aad joojin waydo innaanu talaabo ka qaadayno, aad mahadin, iyagoo hoosta ka xariiqay in ceeb iyo sharaf-xumo weyn ay ku dhacday Wasiir Saleebaan Cali koore.

Sidoo kale, heshiisiinta, siddii nabad waarta looga dhex-dhalin lahaa labada beelood ee Qayaad iyo Bahararsame, ayaa waxa la wareegtay dawlad-deegaanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, Balse Isimada iyo Odayaasha beelaha dhulbahante ayaa marar badan ku eeddaysay xubnaha Wasiiradda ka ah xukuumadda Muuse Biixi ee beelaha dhulbahanta inay ka dambeeyaan ammaan-darada iyo dilalka ka dhaca gudaha magaalada Laascaanood iyo Gobolka Sool oo dhiiga shacabkooda shaqo iyo  masaariif ku raadsada, iyadoo ceebtii ugu weynayd ka soo gaadhay dagaalkii u dambeeyay labada beelood ee Qayaad iyo Bahararsame Wasiirka biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore, isaga loo soo adeegsado, kana dambeeyo isku dirka labada beelood ee walaalaha ah eek u dagaalamay Dhuumay ee Gobolka Sool.

Xafiiska wararka ee  Laascaanood Baraarugnews.net

Kala Xidhiidh EMIAL:-Caarshe7@hotmail.com

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here