Beesha Habar-jeco Oo Uga Digtay Muuse Biixi Iyo Salaadiinta Beeshiisa Sacad Muuse Inay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Lagu Wareejiyo Prof. Samatar &dagaal Ka Dhex-qarxay Muuse Iyo Xaashi

0
1554

Hargeysa,(Baraarugnews.com)-Ugaas Jamaal Cabdiraxmaan Food oo ka soo jeeda Beelaha Habar-jeclo, ayaa ka digay in Kornayl Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ku wareejiyo Xisbiga Kulmiye  wiilka ay innantoodu dhashay (Abiga u yihiin Sacad Muuse prof Samatar), ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Beesha ku dhaqan Gobolka Awdal, Isla markaana Ugaas Jamaal ayaa sheegay in qorshe hoose Muuse Biixi ugu saxeexay xisbigii Beesha Habarjeclo ee Kulmiye.“45-cesho isagoo Madaxweyne Ah ayuu Axmed Siilaanyo ku wareejiyeyGuddoomiyaha  Xisbiga Kulmiye Beesha Habar-awal. Maantana sannad ayay maraysaa intuu Muuse Biixi isku haysto Guddoomiyo-nimadii Kulmiye iyo Madaxweynimadii, taasi mid aanu aq-balayno haddii aanu nahay Beesha Habar-jeclo maaha.Shirka Habeen iyo maalin wal-ba aad kula jirto beesha Huunada aad tahay ee Sacad Muuse ma yeeli doono haddaanu nahay beel-weynta Habar-jeclo ee illahay ka sakow Madaxweynaha ka dhigtay ee kursiga ku keenay. Xisbiga Kulmiye adeer hanta iyo tacab badan ayaa naga galay, markaa adiga oo wax-ba kaa gelin, hanta iyo lacagna kaa-gelin ayaa Murashax ka noqotay Kulmiye Oo Madaxweyne kaa dhignay. Waanu og nahay shirka aad qarsoodiga adiga iyo salaadiinta beeshaada Habar-awal aad la gasheen madax-dhaqmeedka Beesha Sabaroonka ee aad u balan qaadeen inaad ku wareejinayso guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Prof. Samatar. Haddii aad Muuse Biixiyow aad deg-deg uga noqon waydaan, adiga iyo madax-dhaqmeedka Beeshaadu, waxaad arki doontaa adiga iyo beeshaada oo kabaha ka cararay, haddii aad cid kale aad ku wareejiso xisbiga Kulmiye.”Sidaa ayuu yidhi Ugaas Jamaal Cabdiraxmaan Food.

Ugaas Jamaal wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi,“Waxaanu doonaynaa innaad ku wareejiso Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Maxamuud Xaashi Cabdi, markaa ninkaa Maxamuud Xaashi ayaa maanta jira nin xaniiyo leh oo maanta waa ninka kaliya ee dhiiga leh ee Habarjeclo ee garanaaya tacabka iyo ciddii iska laheyd aas-aaskii iyo markii ururka ahaa ciddii la soo baxday ay tahay beesha Habarjeclo. Haddii Muuse Biixiyow aad ku wareejin waydo Guddoonimada xisbiga Kulmiye Maxamuud Xaashi Cabdi, ku bushaarayso dagaal toos ah oo waliba gacanta iyo dhirbaaxada ayaad wax ku leedahay, laakiin maalinta aad xisbiga Kulmiye cid kale aad siiso ayaad si cad u baran doontaa beesha Habarjeclo oo wali ismaydaan baran adiga iyo kuwa beeshaada ah ee afka oo un ka maqlay beesha Habarjeclo, laakiin garanayn waxay gudo iyo waxay tahay-ba. Markaa siyaasiga u qalma Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye waa Maxamuud Xaashi sababtoo ah ninka doonaaya ee cadaystay waa isaga.”

Email:-Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here