Beesha Sabaroon Ee Gobolka Awdal Iyo Beesha Sacad Muuse Oo Colaad Deegaan Ka Dhex-qaraxday &Madax-dhaqmeed Iyo Odayaal Fariin Hanjabaad Ah U Diray Madaxweyne Kornayl Muuse

0
935
Madaxdhaqmeedka Dila
Madaxdhaqmeedka Dila

Boorama, (Baraarugnews,net)- Madax-dhaqmeed, Odayaal  iyo wax-garad kasoo jeeda Degmada Dilla iyo guud ahaanba gobolka Awdal, ayaa ka digey dad ay sheegeen in lagu deegaamaynayo Banka Wajaale,iyagoo ku eedeeyey inay Xukuumadda Madaxweyne Biixi dabada ka riixayso.

Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka oo warbaahinta kula hadley magaalada Boorama, ayaa waxay digniino culus u direen Xukuumadda Madaxweyne Biixi , iyaygoo sheegay in la isku dili doona oo ay dagaal ka xigaan in Beerahooda la siiyo dad kale oo deegaano kale laga soo daad gureeyey, waa sida ay hadalka u dhigeen Waxaana odayaasha haddalkoodii kamid ahaa kuwan:-” haddii cid loogu sharciyeynayo oo cid lagu maal-gelinayo dadkii lahaa ayaa u xaq leh,ee meesha ku dhashay ayaa u xaq leh, lakiin in dad meel kale iyo gobolada kale laga keenay lagu sharciyeeyo oo la dejiyo ma ogalin,haddii ay noqto in sifo sharci ah loo eego waxa u xaq leh dadkayagii laga gedbay,ayaa in lagu sharciyeeyo xaq u leh, nin kale ma yeeli karno, waxaanu leenahay waxaanu wax ku rabnaa nabad-gelyo sifo sharci ah ayaanu wax ku rabnaa dagaal ma wadno,lakiin siday wax ahaan jireen iyo sida wax noqon doonaan inay Dowlada ka fikirto ayaa fiican,waanan u imanaynaa dowlada,annagoo si nabad ah iyo si sharaf leh waxa u wadna, waxna tilmamayna xuquuqdayadana sheegayna, haddii nabarkii la damqay waxaan jecelnahay inay Dowladdu bogsiiso,kolay ganacsi ayaa ka dambeeya xubnaa ka dambeeya waxaanu aragnay meelo silig ku xidhanyahay oo rag lagu meeleeyey, ma noqonayso Beertii aniga la iga qaaday in nin kale la siiyo, waxaanu leenahay dowladu halkaa dib ha uga noqoto,yaan cadaadin iyo calool xumo meesha soo gelin dowlada somaliland aad ayaanu u aaminsanay,lakiin shacbiga somaliland badhna gal-daloolo yar ayaanu siinaynaa badhna waanu cadaadinaynaa ma noqonayso.,” Ayuu Yidhi Mid kamid Ah Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal.

Waxa isna halkaasi ka hadley Caaqil kamid cuqaasha gobolka Awdal, waxaanu ku hanjabay inay dagaal ka xigaan in Banka Wajaale la siiyo cid kale oo aan iyaga ahayn, isagoo ku dooday inuu dhulkaasi yahay Beerahoodii ay Dowladdu ka qaaday, waxaanu  ku bilaabay haddalkiisa sidan:-”Annigoo Magacaygu yahay Caaqil Yuusuf halkan maanta waxaanu iskugu nimi mashruucii Tog-wajaale oo nalaga Gedbay oo uu gedebka u dameeyey ahaa markii labada nin lagu diley,Jibriil Abokor banka intii ay lahayeen hore ayey u qaateen oo lagama gedbin inta la gedbay intayadii ayey ahayd,waxa weeye inay sidii u gedbanaato oo aanu annagu dusha ka eegano oo aanu is nidhaah dowlada ayaa idiin haysa aanu nidhaahno iyo in annaga Beerahayagii ayaa ku yaalee nalagu soo wareejiyo mooyaane noqon mayso in aan cid aan annaga ahayn lagu wareejiyo yeeli mayno dagaal iyo dhiig ayaanu ka xignaa,nabad-gelyada cid walba waa u dan weliba waxay u dantahay cida iminka wax ku haysatee Kursiga ku fadhida, aamusnaantayada  macaan aalo sonkor in aanu noqonay ayaan la moodin waxbaanu dhawraynaa, lakiin bankaa reerkii lahaa badhkoodii qaateen intayadii ayaa  haddana cid kale oo meel kale laga keenay la siinayaa,yeeli mayno dhiig ayaa ku daadan.” Ayuu Yidhi Caaqil Yusuf

“Arrinkaa mashruuca Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka labada gole iyo dad weynaha Somaliland ee na daawanaya si aad ah wax halooga qabto,haddii aan wax laga qaban, mar haddii dad aan la garanayn dhulkayagii la siiyey oo loo qaybiyey,dee wax wanaagsani meesha ka iman maayo raalina kuma noqonayno, Haddii la is leeyahaywey maanta raggani wey baqayaan SNM waxaanu dagaalamaynay afar sanadood Wajaale waa la is yaqaanaa dagaal ma doonayno,dagaal waan ka meeraysanaynaa Somaliland waan jecelnahay” Sidaas waxa yidhi Oday Cumar Samriye Kaahin oo isna madasha ka hadlay, waxaana uu hadalkiisa ku sii daray ”Waar waxaanu u sheegaynaa Somaliland  waar dhulkayagii marka loo qaybiyo dad ee siciihii aanu ka foofinay magaalo cad lasoo celiyo ee lagu horjoogsatdo banaanka marnaba nabadi ka dhicimayso,shalay waxaad ka qaxday adba cadaalad darro.”Ayuu kusoo koobay haddalkiisa.

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here