“Beri waa maalin aan rajeynayaa inuu Dhaco Dibad Bax-weyn. Waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed iney ka soo qeyb galaan”

0
98
“Beri waa maalin aan rajeynayaa inuu Dhaco Dibad Bax-weyn. Waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed iney ka soo qeyb galaan”

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Xaalada amaan-daro iyo khilaafka u dhaxeeya mucaaridka iyo madaxweyne Farmaajo ayaa hawada isku sii shareeraaya mar-ba marka ka sii dambaysa, isla markaana Madaxweynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed,  ayaa ugu baaqay shacabka beri ka qeyb galaya dibed-baxa looga horjeedo Farmaajo iney ilaaliyaan Nabada iyo sharciga.

Shiikh Shariif ayaa galabta hadalkan ka jeediyey Taalada daljirka Dahsoon ka dib socod dhoolatus ah oo ay halkaas ku tageen koox musharaxiin ah oo uu isagu ka mid ahaa.

Waxaa uu intaas ku daray in mudaaharaadka beri uu astaan u yahay inaan la khasaasirin dedaalkii ay shacabka Soomaaliyeed ku bixiyeen dowladnimada isagoo xusay in shacabka ay fahamsan yihiin qiimaha uu leeyahay dibed baxan sida uu hadalka u dhigay.

“Beri waa maalin taariikhi ah, halkan waxaan rajeynaynayaa inuu ka dhaco dibed bax weyn oo ujeedadiisu tahay ilaalinta xoriyadda, sharciga iyo Dimoqraadiyada, waxaan  ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed iney ka soo qeyb galaan” ayuu yiri Shiikh Shariif.Ciidamada amaanka DF ayuu ku amaanay shaqada ay u hayaan bulshada, isagoo sheegay inuu ku wargelinayo ciidmada iney ogaadaan in dibad baxa beri uu yahay mid nabadeed oo lagu xoojinayo Nabada iyo dowladnimada, wuxuuna ka codsaday ineysan carqaladeyn oo taas bedelkeedna ay ka shaqeeyaan amniga.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here