Boqolaal Kun Oo Ciidamada Militariga Somaliland Oo Gaadhay Deegaanka Ceel-afweyn &Ciidamadii Booliska Oo Laga Saaray &Ceebta Hadhaysay Xukuumadda Biixi

0
2206

Ceel-afweyn,(Baraarugnews.net)-Dagaalka soo noq-noqday ee labada beelood ee walaalaha ah ku dhex-maray  muddooyin badan deegaanka Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, ayaa dagaalkii ugu dambeeyay ee doraad ka dhacay deegaano kala duwan oo ka tirsan Ceel-afweyn, ee ugu dambeeyay waxa soo baxaaya arrimo aad u fool-xun oo ceeb iyo magic-xumo u soo jiiday qaranka Somaliland, Isla markaana ilaa  habeen hore,xalay iyo maalmihii u dambeeyay waxa ku sii qulqulaayey deegaanka Ceel-afweyn oo gaadhay ciidamo aad u tiro badan oo Militariga Somaliland ah. Warku wuxuu intaa ku darayaa innuu shalay Galab Magaalada Hargeysa Ka Caraabay Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Nuux Taani,iyadoo la sheegay in Taliye Nuux oo watay gaadiid tikniko ah oo tiradoodu gaadhaysa ilaa 15 baabuur oo saran yihiin hubka noocyadiisa kala duwan uu gaadhay deegaanka Ceel-adweyn ee labada beelood ku dagaalameen.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanada dhaca goobaha ay ku dagaalameen labada beelood ee Dhidin,Darar-weyn, Degmada Ceel-afweyn iyo guud ahaan deegaanada ka tirsan Gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland ay boqolaal ciidamada Militariga Somaliland iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRU-da ay gaaf wareegayaan meel kasta oo ka mid ah deegaanadii ay ku dagaalabeen labada Beelood ee Ceel-afweyn, isla markaana dadkaas oo ka gaabsaday magacooda in la sheego  oo ka cudur daartay arrimo la xidhiidha saamayn xaga naftiisa ah ku yeelato arrintan waxaana ka mid ahaa hadaladooda sidan:-“Meel kasta iyo geed kasta iyo surin walba waxa maraaya ciidan military ah oo ku gaashaman hub noocyo badan. Gabi ahaan waxa la wareegay ciidan deegaanada Ceel-afweyn iyo magaalada oo dhan waxa gacanta ku haya immika ciidamada qaranka Somaliland. Meel kasta waxa kaga soo hor baxaaya Baybay, ama gaadiid qoryo waa weyn ku rakiban yihiin oo aad u tiro bada.”

Sidoo kale, ayaan darada iyo ceebta dulhoganaysa ciidamadii Somaliland eek u sugnaa markii labada beelood is dilayeen ayaa waxa ka mid ah in Taliayaha ciidanka qaranka iyo Taliye ku-xigeenkiisu ka soo jeedeen labada beelood ee dirirtu dhexmartay, Isla markaana dagaalkii u dambeeyay iyagoo arkaaya dhaq-dhaqaaqa iyo hubka isu-urursanayaan maleeshiyo beeleedkii ku dagaalamay Deegaanka ceel-afweyn ee u dambeeyay may samayn inay arrintaa ka hawl-galaan sidii ay u joojin lahaayeen dhiiga iyo dhimashada dhacday maanta ee aadka u tiro badan iyo dhaawaca laxaadka weyn. Isla markaana Ciidamada  qarankahore loo geeyay deegaanka Ceel-afweyn ayaa waxa cadaatay inay isku daawadeen, sidaad arkayseena muuqaalka Taliye Caare iyo taliyaha ciidanka qaranka ee deegaanka Ceel-afweyn oo care waydiinaayo su’aal aheyd maxaa raga la isugu eegayaa, halka Taliyaha ka sareeya Caare ee wada hadlayaana ku jawaabay amar uma haysto, isagoo hadalkiisu u dhacaayey micno ah ma Taliye Nuux iyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiiradiisa ayaa iska hortaagay shaqadii uu u hayey qaranka Somaliland sidii shacabkiisa lagu badbaadin lahaa, taasina waxay bannaanka soo dhigtay in Xukuumadda Muuse Biixi ay qayb weyn ka tahay dagaalka labada beelood oo markii ugu horaysay ee la isku diraayey ee bilawgii ugu horeeyay ay sabab u aheyd dano siyaasadeed oo xilligii Madaxweyne Muuse Biixi ahaa murashaxii u tartamayey kursiga madaxtooyada ee uu ku fadhiyo maanta ee Madaxweynimada Somaliland Muuse Biixi loo doortay, isagoo xilligaa xisbiga Kulmiye u arkayey in beesha Biciide ee Ceel-afweyn ka raacayso oo codkooda siinayaan Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan cirro.

Sidoo kale, Muuse Biixi ayaa la sheegay innuu Taliyaha ciidanka qaranka Nuux Taani ku  amray innuu guud ahaan la wareego talada iyo heshiisiinta labada Beelood uu isagu gacanta ku dhigo, isla markaana Waxa la sheegay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin AXMED uu galabta u baxay deegaanka colaadu ka dhacday ee Ceel-afweyn. Balse waxa la sheegay in dhamaan laga dareeriyey deegaanada Ceel-afweyn ciidamadii booliska iyo saraakiishoodii oo guud ahaan amaanka la wareegeen ciiqadanka militariga.

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here