Boqor Buur-madow Oo Caawa Fiidkii Ciidamo Boolis Ah Ka Qabteen Huteel Ku Yaal Xaafada Galbeedka Ee Beesha Sacad Muuse Ee Huuteelka Maansoor Iyo Qaabkii Loola Dhaqmay &Sababta Loo Xidhay Iyo Goobta Uu Ku Xidhan Yahay

0
752

Hargeysa, (Baraarugnews.NET)-Ciidamo ka tirsan booliska Somaliland ayaa caawa fiidkii ku qabtay oo ku xidhay Magaalada Hargeysa, Boqor Cismaan aw -Maxamuud Buur-Madow, Isla markaana waxa la sheegay in Boqor Cismaan Buur-madow oo ku sugan ama joogay huteel ku yaal xaafada beesha Sacad Muuse leeyihiin ee hutaalka Maansoor isagoo jooga ciidamo booliska ah oo tiro badan ugu tageen, halkaa, iyagoo qaab anshax-xumo iyo ceeb ku ah madax-dhaqmeedka huwan cumaada kula kacay Boqork.
Dad goob joogayaal ah oo ku sugnaa goobta Boqor Buur Madow laga qabtay ee huteelka Maansoor ayaa u sheegay wakaalada Baraarugnews.net xafiiskeeda magaalada Hargeysa, in askarta ka tirsan ciidamada booliska markii ay qabanayeen dagaal gacan ka hadal ah ku qaadeen oo faraha ula tageen Boqor Buur Madow, isla markaana waxay sheegeen in si anshax-xumo oo ka baxsan milgaha loola dhaqmay Boqor Buur-madow oo ku radeen gaadhi ay wateen ciidamada booliska.

Hadaba xadhiga Boqor Cismaan Buur Madow ayaa ku soo beegmaaya markii madax-dhaqmeed ka soo jeeda Somaliland ay dhawaan ka qayb galeen caleemo saar lagu caleemo saraayey Garaad ka soo jeeda beesha Dhulbahante Magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland oo weedho isku dhaafsadeen Boqor Buur-madow iyo madaxweyne Cabdiweli Gas, isla markaana waxa la sheegay in Suldaan ka soo jeeda beesha Madaxweyne Muuse Biixi, oo isna ka mid ahaa salaadiintii ka qayb gashay munaasibadii caleema saarka aheyd ee ka dhacday magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland oo ku sugnaa goobta ama la joogay Boqor Buur madow aan la qaban ee ciidamadu u muuqdeen qaar amar lagu soo siiyey soo qabashada Buur-madow.
Geesta Kale, Boqor Buur-madow ayaa la sheegay in lagu xidhay xarunta Sii’aydhiida (C.ID), ee magaalada Hargeysa.
Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here