“Boqor Buur-madow uma xidhna safarkii uu Puntland ku tagay. Muuse Biixi waxaan leeyahay fuli wixii aad kula heshiisay odayaasha ee barigii ololaha inaad Soo wareejiso Guddoonimada Kulmiye.”

0
1043

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa cadeeyay sababaha loo xidhay Boqor Cismaan Buur-madow, isla markaana wuxuu sheegay in xaqdaro lagu xidhay oo xukunkiisu yahay mid aargoosiya oo siyaasadeed.

Sidaa wuxuu ka sheegay hadal kooban oo uu ka jeediyey Cabdiraxmaan Cirro magaalada Burco, waxaanuu u dhignaa sidan:-”Xal uma arko in lagu deg-dego xadhiga madax-dhaqameedka Somaliland. Dariiqa xadhiga Boqor Buur-madow loo maray waa sharci-daro , Waxaana loo xidhay wax aan aheyn waxii lagu soo eedeyey wax ka fog cadaalada oo lala yaabay.”

Guddoomiye Cirro wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi, “Boqor Buur-madow uma xidhna safarkii uu Puntland ku tagay , waxaa loo xidhay Boqorka muran ka dhaxeeya oo ka dhex aloosan xisbiga Kulmiye dhexdiisa oo ah soo wareejinta Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixix. waxaan leeyahay fuli wixii aad kula heshiisay odayaasha ee barigii ololaha gacanta isku dhiibay ”sidaa ayuu yidhi gudoomiye Ciro oo caawa qudbad ka jeediyey magaalada Burco

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here