Boqorka Sucuudiga Oo Cabsi, Naxdin ka qayliyey Nukliyeerka Iraan &Caalamkana Baaq u diray

0
16

Riyadh(baraarugnews.com):- Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz ayaa maanta ku booriyey hoggaamiyayaasha caalamka inay mowqif adag ka qaataan sidii ay wax uga qaban lahaayeen “dadaallada ay Iran ku horumarineyso hub Nukliyeer ah” iyo gantaallada ballistic-ga.

Boqorl Salman, ayaa hadalkan jeediyeey isaga oo la hadlayey golaha sare ee Shuurada Sacuudiga oo xalay muddo xileed cusub loo dhaariyey. “Boqortooyada waxay carabka ku adkeyneysa halista mashruuca Iran ee gobolka, faro-gelinta ay ku hayso dalalka kale, gabbaad siinta argagixisada, iyo hurinta xiisadaha diimeed, taasi oo qeyb ka ah dadaal ay ku heleyso hubka sida weyn wax u burburiya,” ayuu yiri Boqor Salman.

Hadalladan ayaa ahaa kuwii ugu horreeyey ee boqor Salman uu jeediyo tan iyo khudbaddii uu bishii September qaab online ah ugu jeediyey shirka golaha guud ee QM.

Sacuudiga oo Sunni ah iyo Iran oo Shiico ah ayaa waxaa ka dhaxeeya loolan socday tobaneeyo sano oo ku aaddan saameynta gobolka, ayaga oo kala taageeraya dhinacyada isku haya dalal ay ka mid yihiin Syria iyo Iran.

Xiisadda ayaa sare u kacday tan iyo markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiskii caalamiga ahaa ee Nukliyeerka Iran, kadibna uu sii adkeeyey cunaqabteynta dhaqaale ee saaran ee Tehran.

 

Xigsho VOA iyo REUTERS.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here