Uk,(Baraarugnews.net)-Guddoomiyeyaasha Iyo Madaxdii Qurbajooga reer Somaliland Ee Waddamada Yurub, ayaa ka hadlay koox sheegtay inay yihiin urur ay doorteen jaaliyadaha qurbajooga dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Somaliland ee ku dhaqan dalalka Yurub, isla markaana Guud ahaan uga digay jaaliyada ku dhaqan Yurun ee rere Somaliland kooxda sheegtay inay yihiin masulliyiin ay doorteen shacabkaasi oo ku midaysan urur u abaabulan qaabka maaifiyada oo kale, laguna magacaabo SSE.
warsaxaafadeedka uu ku saxeexab yahay Guddoomiyaha Jaaliyada reer Somaliland oo uu soo gaadhsiiyey Iimeelka warbaahinta oo nuqul ka mid ah soo gaadhay xafiiska Baraarugnews.net ee magaalada Hargeysa , ayaa u dhignaa waraaqdaa uu ku saxeean yahay Guddomiyaha jaalidu ee halkan ka akhriso hoose
Hadaba warmurtiyeedka ka ay soo saareen jaaliyada madaxdeeda maanta ayaa ku soo beegmaaya xilli shabakada caalamiga ah ee Baraarugnews.net faafisay maclumaad iyo xogo ku salaysan kooxda sheegtay in ururkan ay ku bahoobeen jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan qaarada Yurub, in ay yihiin koox Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirkiisa Maxamed Kaahin Axmed, ka dambeeyeen abaabulkeeda iyo shir-qoolo loogu talo galay inay ka dhexfuliyaan jaaliyada Yurub ee reer Somaliland ay tahay sababaha ka dambeeya kooxdan sheegatay inay yihiin ururka la yidhaahdo SSE.