Burburka Heshiiskii Magaalada Berbera &Dawladaha Beesha Caalamka Oo La Yaaban Hab-dhaqanka Shakhsiyada maanta Gacanta ku Haysa Hogaaminta Masiirkii Dawlad-nimada Shacabka Reer Somaliland

0
295

Hargeysa,(Baraarugnews.net)xukuumada Imaaraadka Carabta, ayaa joojisay qorshihii ay saldhig militari uga dhisanaysay dalka Somaliland ee magaalada Berbera.

Wargeyska The National ee ka soo baxa gudaha dalka Imaaraadka carabta, ayaa faafiyey war ku saabsan in  dowladda Imaaraadka Carabta ay saldhig militari ku lahayd dalka Eritrea tan iyo sanadii 2015-kii,balse wargaysku macadeen sababta keentay in imaaradka carabtu uu dib uga laabto qorshihiisii doonista in ay saldhig military ay ka dhistaan magaalo xeebeedka Berbera, isagoo Wargeyska The National ma bixin wax sharaxaad ah.

Hadaba Baarlamanka Somaliland ayaa 12-kii Febraayo 2017 waxa uu si aqlabiyad leh ugu codeeyey heshiis dowladda Imaaraadka Carabta u ogolaanaya inay saldhig ciidamada cirka iyo badda ah ka sameysato Berbera.

Geesta kale xiligaa Baarlamaanka Somaliland khalinka ugu duugay imaaradka carabta saldhiga Berbera waxa si weyn uga hor-yimid baarlamanka Soomaaliya oo isla sanadkii 2017 ansixiyey mooshin ku amraya Imaaraada Carabta inay joojiyaan dhismaha saldhiga magaalada Berbera ee Somaliland.

Dhinaca kale in dhawayd-ba waxa jiray khilaaf qarsoonaa oo ka dhex-taagnaa Muuse Biixi iyo dawlada imaaradka carabta, isagoo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa 14-kii September 2019 shaaciyey in garoonka Berbera ee militariga Imaraaadka Carabta loo beddelay garoon shacab, taasi oo markii ugu horreysay muujisay is-beddel ku yimid qorshihii Imaraaadka.

Sidoo kale, Muue Biixi ayaa maalin kadib hadalkaas ka laabtay, isaga oo sheegay sheegay in xukuumadiisu aysan marnaba ka bixin heshiiskii ay hore ula gaashay dowladda Imaaraadka Carabta, balse laga maarmi waayey in garoonkii Berbera loo isticmaalo shicib ahaan.

Madaxweynaha Somaliland oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Garoon aan isleeyahay waa ka Afrika ugu weyn ayaa la dhisay, adduunkoo dhanna ciidamada iyo shicibku way wada isticmaalaan garoomada, markaa laga maarmi maayo in garoonkii loo isticmaalo shicib ahaan”

Email:-Bararaarugnews@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com

 

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here