Caaqil Cali shiriye: Madax-dhaqameed U Xidhan Boobka Dhulka Ee Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan iyo Xulafadiisa Oo Dawladdu Badhitaarayso (Qaybta 1aad)

0
104
Caaqil Calishiriye: Madax-dhaqameed U Xidhan Boobka Dhulka Ee Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan iyo Xulafadiisa Oo Dawladdu Badhitaarayso (Qaybta 1aad).
Qoyska Caaqil Cali Cabdi Wacays (Calishiriye) iyo laba qoys oo wada leh dhul dhinaca bari ka xiga degaanka Halleeya ee Bariga Hargeysa, waxa sharciga dhulka u samaysay Dawladda Hoose ee Hargeysa. Sawirka 1aad weeye ee qormada la socdaa waa nashqaddii ay dejisay DHH.
Mar dambe ayaa waxa isku qabsadeen Haayadda Geeska Afrika ee uu madaxda u yahay Sheekh Maxamed Cali Geeddi, oo loo soo qoray qayb ah dhulkii Crash Programe ee dawladda si uu uga dhiso Jaamacad. Karashku wuxuu ahaa dhul wax laga beero oo meelo kala geddisan laga hirgeliyay xilligii kacaanka, xukuumadduna maamuli jirtay. Maxkamadda Rafcaanka Maroodijeex ayaa Wasaaradda Hawlaha Guud ka codsatay in la xadeeyo dhulka Karashka, 2016kii ayay ahayd waana sawirka 2aad.
Wasaaradda Hawlaha Guud waxa ay caddaysay in wajahadda laamida ee dhulka Karashku uu tahay 2040 mitir oo ka bilaabma meel cayimin, kuna dhammaada dergadda. Sheekh Maxamed Cali Geeddi waxa la siiyay wajahad ah 300 m oo laamida ah, kaas ah inay xagga Halleeya ka soo xigaan 900 mitir karashka ah, 300 ee la siiyay ku xigaan, ayna ka shisheeyaan 8040 karashka ahi. Karashku wuxuu ka bilaabmaa galbeedka mashruuca digaagga, waxaannu ku dhammaadaa meel ay dergad yari tahay, waana sawirka 3aad.
Tani waxa ay dhacday xilligii uu Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta Somaliland ahaa Md Cali Xasan Maxamed (Marreexaan) Cali Hassan oo immaka Wasiirka Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland.
Dhulka Caaqilka iyo Karashka waxa la dhex mariyay waddo, waana sawirka 3aad. Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa siisay caaqilka sharci kale, iyada ayaa dhulkiisa qorshaysay oo ansixisay. Waxa la sameeyay nashqad ama maab dhul oo kala astaynaya Karashka iyo beerta Caaqil Cali Shiriye. Xilligaas maabka la dejyay waxa uu markaas u madax bannaanaa iibka, hibaynta iyo maaraynta dhulkiisa. Dhawr baloog ayuu habaynta dhulka awgeed u iibiyay.
Dhanka kale waxa uu haystaa
1. Sharcigii iyo qorshihii Wasaaradda Beeraha Somaliland: sawirka 4aad
2. Maxkamadda degmada Sabawanaag: sawirka 5aad
3. Guddoonka Tuulada Burcayada yar ee Halleeya ka shishaysa: sawirka 6aad
4. Maxkamadda Rafcaanka Maroodijeex ee laashay dooddii u dhexaysay Calishiriye iyo Haayadda Geeska Afrika ee Sheekh Maxamed Cali Geeddi: sawirka 7aad
Sida ka muuqata sawirka 7aad; nasiibdarro Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guryaynta Md Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa soo qoray 15kii Julaay 2020ka; warqad uu leeyahay:
“Waxa aanu 40 block ka siinnay Karashka mujaahidiin ka tirsan Jamciyadda Sooyaal, oo ay madax u yihiin:
1. Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan—— Guddoomiye:
2. Maxamed Cabdi Xirsi (Ina Cabdi Qodin) —— Guddoomiye ku-xigeen
3. Xasan Cabdi Maxamed (Dugulo) —— Xubin
4. Cabdi Muuse Cawl (Furcas) —— Xubin
5. Axmed Xasan Cabdiraxmaan—— Xubin”
Dad kale oo Karashka wax laga siiyay oo iska degay dhulka Calishiriye waa ay jiraan, qormooyin kale ayaan ku soo qaadan. Warqadda ay 5taas nin ku qoran yihiin ayaa sababtay in Caaqilku xidhnaado 11 bilood maxkamad la’aan. Waxa ayaandarro ah in aan dadkaas la siinnin caddayn ama astaan cayinta halka rasmiga ah ee laga siiyay 2040m ee Karashka. Waxa ay haystaan warqad madhan oo aan meelna ku tiirsanayn.
Dadkaasi waxa ay u soo tallaabeen oo iska jeexdeen, damaaciyeen ama ishaaqsadeen dhulkii caaqilka ee ka baxsanaa Karashka. Waxa ay ka soo ambadeen soohdintii ay wasaaradda hawlaha guud dhigtay. Xitaa mar ayay magaca caaqilka la iskaga dareen dad wax laga siinayo Karashka, oo sidii barlaawe uu ahaa la yidhi “Qaado intaas”
29kii Nofember 2020ka ayay ciidan boolis ahi dooneen inay sabbado ka taagaan dhulkii Caaqilka, iyaga oo aan haysannin amar maxkamadeed iyo amar boolis oo qoran. Waxa ay isku dhaceen dadkii dhulka degganaa. Waxa ku dhaawacmay hal askari oo ahaa Taliyihii Saldhigga 33 ee Bariga Hargeysa. Sidoo kale waxa la riday sabbadihii jujuubka lagu taagay ee ciidanku walwaalayay. Sabbadahaas waxa lahaa Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan—— Guddoomiyhii Guddida iyo Xasan Cabdi Maxamed (Dugulo) oo Xubin ka ahaa guddida 2020ka la siiyay 40ka baloog. Eeddiisa waxa ku qoran inuu burburiyay $4713 ah sabbado ay lahaayeen rag labadaas nin ka mid yihiin, magacyadooda ayaa xaashidda ku dhigan.
Caaqil Shiriye wuxuu la xidhiidhay Wasiir Maxamed Kaahin oo booliska ku amray inay keenaan sharciga ay hawlgalka ku fuliyeen, kama ay jawaabin. Mar labaad ayuu Wasiir Maxamed Kaahin qoraal u qoray booliska, kaas uu kaga rabo caddaynta waxa fasaxay hawlgalka fulinta ah. Boolisku waxa ay la xidhiidheen Wasaaradda Hawlaha Guud si ay xujo ugu samayso tallaabada ay qaadeen, ma ay se helin qiil lagu bannaysto hawlgalka sababay iska horimaadka ee ay boolisku ku kaceen.
Si loo banjariyo dacwadda Calishiriye ee ku socota Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxa la goaamiyay in la xidho. Saldhigga Qudhacdheer ayaa lagu hubsaday 1dii Jeneweri 2021ka, waxaana loo beddelay Saldhigga 33/Shiraaqle ee Bariga Hargeysa, ugu dambayntiina waxa la keenay Saldhigga Dhexe ee Hargeysa, waxa la xidhan Cabdirashiid Maxamed Cismaan oo uu adeer u yahay oo deggen dhulka iyo laba haween ah oo dammaanad lagu sii daayay, balse looga yeedho maxkamadda.
La soco qaybta 2aad insha Allah,
Waxa qoray falaqayntan Siciid Maxamuud Gahayr

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here