Caasimada Somaliland Ee Hargeysa Oo Lagu qabtay Rag Ka Tirsan Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya &Xidhiidhka Madarasada Al-bayaan(Markisu Al-bayaan),

0
141
Caasimada Somaliland Ee Hargeysa Oo Lagu qabtay Rag Ka Tirsan Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya &Xidhiidhka Madarasada Al-bayaan(Markisu Al-bayaan),
Caasimada Somaliland Ee Hargeysa Oo Lagu qabtay Rag Ka Tirsan Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya &Xidhiidhka Madarasada Al-bayaan(Markisu Al-bayaan),

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Ciidamada la dagaalanka argagixisada ee sida gaarka ah u tobabar ee ciidamada RRU-da ee Somaliland, ayaa maanta macalimiin ka hawl-galaysay laba madarasadood oo malcaamad quraan ah  xabsiga u taxaabey oo xidh-xidhay, isla markaana waxa la sheegay in ciidamada RRU-da macalimiintaas oo ahaa rag da’ahaan sodonka madaxa la galay  oo laba macallin  ah laga soo qabtay madarasad lagu magacaabo Al-bayaan (Markisu Al-bayaan), oo ku taal Degmada Maxamuud Haybe ee caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Qaar ka mid ah Askarta ciidamada RRU-da iyo laamaha amaanka oo ka cudur daartay in magacooda aanu sheegno sababa la xidhiidha in warkan saameyn ku yeesho ayaa u sheegay warbaahinta Baraarugnews,net  xafiiskeeda wararka ee Somaliland, in macalimiinta ay saaka soo qabteen  ciidamada RRU-da xilli ay ku jireen xiisadaha, una dhigayeen ardayda dhigta madarasad Al-bayaan (Markisu Al-bayaan), isla markaana waxay xuseen in ay hayaan macluumaad muujinaaya in labada macalin ay ka tirsan yihiin Ururka  Al-shabaab ee  ka dagaalama koonfurta Soomaaliya.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in todobaadkii u dambeeyay ee aynu soo dhaafnay laba macalin oo kale ciidamada  RRD-da ee magaalada Hargeysa laba macalin oo kale uga soo xidheen xaafada calaamadaha ee koonfurta magaalada Hargeysa, kuwaasoo dhamanatood ku xidhan saldhiga magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale, taliyaha ciidamada booliska Somaliland dabagale oo aanu  khadka telifoonkiisa gacanta oo aanu garaacnay noomay suurta galin in aanu helno, nasiib daro wuu naga qaban waayey. Balse ma jirto war rasmi ah oo la xidhiidha sababaha keenay xadhiga macalimiinta oo ka soo baxay dhanka ciidanka amaanka ee Somaliland oo kula xidhiidhnay.

Email:-Bararaarugnews@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here