Ceebta Iyo Faddeexada:-Madaxweyna Muuse Biixi Ayaa Qabyaalad qaawan Ugu Hiiliyey Wasiirkii Beeshiisa Sacad Muuse ee Warfaafinta Somaliland Guray Barwaaqo Iyo Agaasimihii Guud  Beesha Warsan-galin ee uu maanta Xilka ka qaaday Cali Caliyow

0
840

Hargeysa, (Baraarugnews.net)-Khilaaf muddo gaadhaysa laba bilood soo jiitamayey oo xooga, kana dhex-aloosnaa Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada warfaafinta Cali Caliyow,isla markaana Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa xilkii ka qaaday maanta Agaasime Cali Caliyow, markii Wasiir Guray Barwaaqo laba cesho ka hor intii aan xilka laga qaadin uu shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaga, isagoo Wasiirku ku amray askar boolis ah oo uu keenay xarunta Wasaarada warfaafinta kuna amray inuu fooda soo galin Agaasimaha guud ee maanta xilka laga qaaday Cali Caliyow.

Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa u kala hiiliyey Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo iyo Wasiirka Warfaafinta Guray Barwaaqo oo isku beel yihiin Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana Agaasimaga guud ee xilka laga qaaday Cali Caliyow oo ka soo jeeda beesha Warsan Gali ee bariga Gobolka Sanaag ayaa khilaaf xoogan ka dhex taagnaa intii uu xilka hayey Agaasinimada Warfaafinta Cali Caliyow. Warku wuxuu intaa ku darayaa in todobaadkii ugu dambeeyay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Guray Barwaaqo iyo Agaasimihii maanta xilka laga qaaday Cali Caliyow labadoodaba u yeedhay Madaxweyne Muuse Biixi oo dhagaystay waxyaabaha isku hayeen, Laakiin Madaxweyne Muuse Biixi ayaa hiil inaadeernimo ah isla barbar taagay Wasiirka Guray Barwaaqo, badelkeediina ka dhigay innuu xilka ka qaado agaasimihii beesha Warsan gali. Baraarugnews.net Iimeel:- Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here