Ciidamada Amaanka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Wariye Yuusuf Dool &Sababaha Keenay

0
27
Ciidamada Amaanka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Wariye Yuusuf Dool &Sababaha Keenay

Hargaysa(Baraarugnews.net): Galabta Casarkii ayaa Waxa Ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland ay Xabsiga Dhigeen Wariye Yuusuf Dool Ibraahin oo ka Tirsan Warbaahinta Dalka Somaliland .
Suxufigan ayaa Markii la Qabtay ku Sugnaa Suuqa Hargaysa Ciidamo lagu Soo Hagay Adeega Moobilada ee loo Yaqaano GPRska ayaa ka Qabtay Goobtuu Fadhiyay kuwaas oo Markii Hore ku Xidhay Saldhiga Dhexe Balse Markii Dambe u Qaaday Xarunta Ciidamada Dambi Baadhista ee C I D halkaas oo uu ku Xidhan yahay Hada .
Xadhiga Suxufigan ayaa Waxa ka Dambeeyay Masuuliyiinta Shirkada Ankar oo ka Cadhooday Warar Suxufiyiin uu Suxufiga Xidhani ku jiro ka Qoreen Shirkadaasi oo Dhawaan laga Kireeyay Dhismaha Warshadii Pepsiga ee loo Yaqaanay Warshada Dhuuniga oo laga Kireeyay Ganacsadaha shirkada Ankar Idiris .
Warka Masuuliyiinta Ankar ka cadhaysiiyay ayaa ahaa iyadoo Warbaahintu ay soo Bandhigeen Qalabkii Warshadii Dhuuniga (Pepsi) oo Loo raraayo Dalka Itoobiya iyadoo loo Badalay Iskaraab ahaan oo kale taas oo Shacabka Xaafaduna ka Dareen Celiyeen Balse Masuuliyiinta Shirkada ANKAR ayaa Warkaasi ku Noqday laf Dhuun gashay iyadoo ugu Dambeyntiina Ay Masuuliyiinta shirkadu dacwad ka Gudbiyeen Dhawr Suxufi oo uu ka mid yahay Suxufiga maanta la Xidhay


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here