Ciidamada Itoobiya Oo La Wareegay Qaybo Ka Mid Ah Deegaanka Gobolka Sool Iyo Ciidamada Militariga Somaliland Oo Ka Soo Baxay &Madax-dhaqmeedka Horkacayey Iyo Ciddii Ka Dambaysay

0
720
Ciidamada Itoobiya Oo La Wareegay Qaybo Ka Mid Ah Deegaanka Gobolka Sool Iyo Ciidamada Militariga Somaliland Oo Ka Soo Baxay &Madax-dhaqmeedka Horkacayey Iyo Ciddii Ka Dambaysay
Ciidamada Itoobiya Oo La Wareegay Qaybo Ka Mid Ah Deegaanka Gobolka Sool Iyo Ciidamada Militariga Somaliland Oo Ka Soo Baxay &Madax-dhaqmeedka Horkacayey Iyo Ciddii Ka Dambaysay

Laascaanood, (Baraarugnews.net)-Ciidamadii Dawladda Federaalka Ethiopia ayaa shalay gudaha  u soo galay goobo ka tirsan Koofurta Gobolka Sool oo ka mid ah xaduudka dhulka Somaliland ka mid ah, isla markaana dad ku sugan deegaankaa ayaa sheegay in oo xaqiijiyey inay  la wareegeen dhulkii labada beelood isku dileen ee bariga magaalada Laascaanood ee Dhumay, Dhargayn geeyo iyo Docmo.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay horkacayeen madax dhaqmeed uu hogaaminayey Ugaas Kulmiye Ugaas Wiilwaal, Salaadiin iyo Isimo ka soo jeeda beesha Daarood oo ka yimi kilalka ismaamulka soomaalida Itoobiya, isla markaana dad ku sugan deegaanka ka tirsan Gobolka Sool ee ciidamada Itoobiya Soo galeen oo xoolo dhaqato ah ayaa sheegay inay gebi ahaan-ba ka soo baxeen ciidamada qaranka Somaliland, iyadoo ciidamada Itoobiya la wareegeen amaanka gacan ku haynta goobo ka tirsan degaanadii collaaddu aafeysey ee ka dhaceen dagaalo beeleedyada Gobolka Sool.

Ilaa iyo hadda maamulada Puntland iyo Somaliland oo ku muransanaa degaanadaasi wax war ah kama soo saarin geediga is daba maray ee Ciidamada Itoobiyaanka, sidoo kalena wax war ah oo ay soo saartay Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Dawladda Federaalku midna ma jiro.

Dad jooga degaanadii ay ciidamadani socodka ku mareen ayaa sheegay in ciidankani sahan iyo horgal  u ahaayeen ciidamo ka ballaadhan oo dhowaan soo gaadhi doono degaanadaasi si ay nabadda u sugaan, ulana shaqeeyaan ergooyinka nabadaynta ee ku soo gurmaya degaanadaasi kuwaasoo ka soo kala kicitimay Gaalkacyo, Caabudwaaq, Jigjiga, Garowe, Buuhoodle iyo Laascaanood.

Warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxaya in ay ciidankani la socdeen Salaadiin ka tirsan Maamulka Soomaalida ee Itoobiya oo uu hogaaminayey Suldaanka Caanka ah ee degaamadaasi, Ugaas Kulmiye Ugaas Wiilwaal.  Salaadiintan oo lagu sheegay inay ka koobanyihiin dhammaan beelaha Soomaalida ee dega Ogadenia ayaa u socda hawlaha nabadaynta ee colaaddii dhowaan sahayatay dadka badan ee dhex martay beelaha walaalaha ah ee wada deggan Koofurta Gobolka Sool.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here