Ciidamada Maamul-goboleedka Puntland Iyo Taliyaha Jabhada Caare Oo Diyaarinaaya Qorshaha Dagaal Ay Ku Qaadayaan Ciidanka Somaliland

0
180

Sanaag, (Baraarugnews.net)-Taliyaha qeybta 9-aad ee ciidanka maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur oo warbaahinta kula hadlay magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Abbaan-duulaha ciidamada qranka Somaliland, isla markaana Taliye Canshuur, ayaa abbaan-duulaha ciidamada Somaliland ku tilmaamay mid dulmane u ah saraakiil ka soo jeedda magaalada Hargeysa.Gen Canshuur ayaa sidoo kale sheegay in degmada Badhan dadkii lahaa ay Somaliland ka eryeen, islamarkaana aysan dib dambe u soo hawaysan karin maadaama raggii u dhashay ay heegan u yihiin in ay difaacan.

Ciidamada Maamul-goboleedka Puntland Iyo Taliyaha Jabhada Caare Oo Diyaarinaaya Qorshaha Dagaal Ay Ku Qaadayaan Ciidanka Somaliland
Ciidamada Maamul-goboleedka Puntland Iyo Taliyaha Jabhada Caare Oo Diyaarinaaya Qorshaha Dagaal Ay Ku Qaadayaan Ciidanka Somaliland

Puntland & Somaliland ayaa isku haya muran xagga xaduudaha, gaar ahaana Sool, Sanaag iyo Cayn, waxayna dhawaan labada hogaamiye ee maamuladan ay sheegeen in ay wada hadal kagalayaan, gaar ahaana Muuse Biixi iyo Siciid Deni. Isla markaana Taliyaha ciidanka iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland, ayaa abaabul dadka lagu kicinayo oo dagaal ka dhan ah in lagu qaado maamulka Muuse Biixi iyo ciidamada Somaliand eek u sugan bariga Sanaag ka wada deegaanada ka tirsan Gobolka Sanaag.

Haddaba socdaalka abaabulka dagaal ee Taliyaha ciidanka maamul-goboleedka Puntland ka wado deegaanka Gobolka Sanaag, ayaa ku soo beegmaaya xilli dagaal ay ku hayso jabhada uu hogaamiyo taliyihii hore uga goostay ciidamada qaranka Somaliland Taliye Caare isna dhanka kale dagaal kaga hayo dawladda Muuse Biixi, balse hogaamiyaha jabhada beesha Habaryoonis ayaa iyana ku jirta oo haysata waqooyiga buuraleyda Gobolka Sanaag.

Bararaarugnews@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com

Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here