Ciidanka Booliska Magaalada Hargeysa Oo Sheegay  In Ay Ku Hawlan Yihiin Soo Qabashada Haweenay Dulmi Kula Kacday Inan yar Oo Shaqaale Ka Aheyd Gurigeeda

0
44
Ciidanka Booliska Magaalada Hargeysa Oo Sheegay  In Ay Ku Hawlan Yihiin Soo Qabashada Haweenay Dulmi Kula Kacday Inan yar Oo Shaqaale Ka Aheyd Gurigeeda

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Ciidamada Booliska Hargeysa, ayaa sheegay in ay soo xidhayaan haweenay ficil dulmi ah kula kacday inan yar oo shaqaale uga aheyd gurigeeda, ee loo yaqaan Jaariyad aheyd, isla markaana gabadhii ay u shaqaynaysay oo muuqaal ay ku dhibaateynayso inan da’ahaan aad u yar soo galisay baraha bulshada ee facebuuga.

Qoraal kooban oo barta facebuuga Booliska  Somaliland lagu shaaciyey oo qaraalkan ka soo xigatey wakaalada Baraarugnews.net xafiiskeeda Hargeysa, ayaa u dhignaa sidan”Shacbiga Somaliland ee xariirta ah waanu ugu horayn ugu mahad celinaynaa sida quruxda badan ee ay ula shaqeeyaan Ciidanka booliska Somaliland. Way na soo gaadheen Fariimaha faraha badan ee aad kaga fal celinaseen gabadha muuqalka ka duubtay inanta yar ee u shaqaynasay, taas oo ku andacoonasa in ay wax ugu dartay cuntada.

Waxaan idiin cadaynaynaa in si Deg-dag ah laga hawl galay gabadhaasi luguna dabo jiro si ay cadaalad u Heli Lahayd gabadhaasi Yar wixii faahfaahin ah Ee ka soo kordha waanu idinla socod siin doonaa.

Ciidanka Booliska JSL..”ayaa lagu yidhi qoraalka bayjka ciidanka booliska Somaliland lagu shaaciyey.

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here