Daacish Oo Weerar Ku Qaaday Deegaano Ka Tirsan Maamul-goboleedka Soomaaliya Ee Puntland &Askarta Laga Dilay

0
845

Puntand,(Baraarugnews.net)- Hal askari ayaa geeryooday saddex qof oo kalana waa ay dhaawacmeen, markii dagaalyahanno hubeysan ay weerarren xilli dambe oo xalay ah saldhigga ciidanka sidda milateriga u tababarren ee Daraawiishta Puntland oo ku yaalla tuullada Canjeel oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari,sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta amniga deegaanka uu weerarka ka dhacay.

Taliyaha saldhigga oo lugu magacaabo, Fowsi Xasan Ismaaciil ayaa u sheegay idaacadda VOA-da in dagaalyahannada soo weerarrey ay ka tirsanaayeen kooxda Daaciish oo dagaalyahanno taabacsan ay ku suganyihiin dhulka buuraleyda ah ee ku dhow deegaanka Canjeel.

“ Daaciish ayaa na soo weerartay buurta ku jira xalay markii ay ahayd toddobadii saac ayaa saddex jiho nagala soo weerarray hal wiil ayaa nooga dhintey waan iska difaacnay.” ayuu yiri Fowsi oo inta ku darray “ Weerarka waa ku dhaawacmey labo gabdhood iyo hal wiil… Raggii na soo weerarray dhaawac ayaa gaarey, waan ku raadjoogna.”

Markii ugu horreysay oo tuullada laga maqlo weerar ay ka fuliyeen dagaallamayaasha Daacish waxaa ay ahayd October sannadkii hore ee 2017, waqtiga oo xilli habeen ah lugu diley guri ku yaalla Canjeel haweeney iyo wiil ay dhashay oo 15 jir ahaa, waxaana weerarka xalay uu noqonayo midkii labaad oo deegaanka ay fuliyeen kooxda.

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here