Daawo/Akhriso:-Haddii Maxkamad la soo taagin Maxamuud Xaashi Cabdi maxay tahay cadaalada aad doonaysaan Innaad Ku Joojisaan Dagaalka Labada Beelood ee Ceel-afweyn shacabka reer Somaliland?

0
823
NEWS

Hargeusa,(Baraarugnews.net)-Wallaahay Muuqaalkaa Waxa La Duubay Xilli Fog Oo Xitaa Beelaha  ku dhaqan Ceel-afweyn Iyo Guud ahaan Gobolka Sanaag ee Beelaha reer Somaliland wax-yar oo xitaa colaad yar ama laba qof oo wada hadlaysaa ama is haysataa aaney jirin, isla markaana doorashada wakhti badan ka hadhsanaayeen  oo ku beegan markii Hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiiradda kale iska casilay  xukuumaddii Madaxweynihi hore ee Axmed Siilaanyo ee Wasiirkii wakhtigaa Wasaarada duulista iyo gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi loo soo badelay Wasiirka Madaxtooyada ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo ka dhigay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi (Muhanad), oo muddo laba bilood gaadhaysa markuu ahaa Wasiirka Madaxtooyada xukuumaddii AXMED SIILAANYO ayaa muuqaalkan aanu halkan idinku soo gudbin doono caawa ee qaybta telifeeshanka Wakaalada Baraarugnews.net oo xili hore la duubay, laakiin xilligaas haddii la baahin lahaa oo markaas ayuu dhamaaday Khilaafkii sanadaha soo jiitamayey xisbiga Kulmiye ee Muuse Biixi loo doortay Murashaxii xisbiga ee dhamaaday khilaafkaas, ka dib xiili Ololaha lagu jiray, laakiin aaney is dilin labada beelood oo heshiis ahaayeen, kuna beegnayd wakhtiganSep 2, 2016 muuqaal daawasho ah oo halka hoose aad ka helayso marka qoraalkan dhamaadka ugu dambaysa ka eeg ayaa la baahiyey laakiin dadka reer Somaliland waxay u arkayeen qaar badan in lagu rucrucanay Maxamuud Xaashi. Hase yeeshee aniga oo ku hayey dhistoobka laabtoonkayga, madaama aan sii ogaa siyaasada soo socota ee kooxda Xukuumaddii Axmed siilaanyo Muuse Biixi iyo Maxamuud Xaashi dajiyeen waxaan baahiyey xilligii la bilaabi lahaa dagaalka labada beelood ee Beesha Biciide iyo Beesha Sacad Yoonis, iyagoo u-jeedada u socdeen aheyd sidii beesha Habarjeclo u raacin xisbiga Waddani oo xilligaas u arkayeen mid awood ku lahaa Gobolka Sanaag, kuna darso labadaa beelood ee maanta is dilaaya ee uu dhexmaray dagaalka soo noqnoqday muu dhicin ismanay taaban wakhtiga muuqaalkan aad daawan doontaan la baahiyey. Runta haddii aan la isu-sheegin wax ma hagaagan, guulna lama gaadho ee raggii dantooda gaarka iyo fidmada dagaalka dadka badan ku dhinteen qaarna dhaawaca u yihiin ee cisbitaalada siiryeeska ku ah waxa sabab u ah Maxamuud Xaashi Cabdi, Madaxweyne Muuse Biixi oo isaga dantiisa laga shaqaynayey sidii la isugu dirilahaa Beesha Habarjeclo iyo Habaryoonis, ka dib sidii aaney Habarjeclo ugu codayn Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbiga Beesha Habaryoonis oo ka baqayeen inay Habarjeclo ka raaco. Markaa waxaan caawa idin xasuusiyey haddii aan maxkamad la soo taagin Maxamuud Xaashi Cabdi maxay tahay cadaalada aad doonaysaan yar iyo weyn shacabka reer Somaliland &Maanta yaa sabab u ahaa Dagaalka Inta Badan soo noqday ee Boqolaalka qof ku dhinteen ee Labada Beelood ee walaalaha ah ee Ceel Afweyn waa ninkan marka dambena isaga ayaa cadayn doona raga la waday ee dhaqaalaha ku bixiyey laakiin muuqaalka ayaa cadayn u ah waxaana igu kalifay innaan qoraalkan yar muuqaalkan soo raaciyo xanuun dawadiisa la doonayo in la helo oo dawadiisiina la diidayo, mid cudurka sii siyaadisa oo laynaysa boqolaal kale ayay mar walba inagu yidhaahdaan waanu heshiisiinay Odayaashan iyo madaxdhaqmeedka ku shubo ah fadlan iyo xukuumadda Kulmiye.Balse waxa ayaan daro weyn ah isagoo dadka isku dilay oo jaran-jaradii salaanka siyaasada soo saartay Maxamuud Xaashi Muhanad ayuu haddana leeyahay waa nasiib-daro weyn dagaalka ka socda Ceel-afweyn. Sidaa muu yidhaahdeen ee waxa xun ee xadaalad-darada iyo dulmiga taageera waa shacabka reer Somaliland kan oo kale way iska qaban lahaayeen iyo ka baahi nololeed loo adeegsanayo ee shilimaanka naf bini’aadam ku jiraa ee daawo muuqaalkan mabuu jirin xilliga muuqaalkan ahaa cidna ismay layn oo muu dhicin dagaalka beelaha Ceel-afweyn ee nabad iyo barwaaqo ayay ku wada noolaayeen deegaankasta oo sanaag ka mid ah, markaas ayuu inta uu idin soo horfadhiisto idin leeyahay waa masiibo aad u xun, hadda waa munaafiqii dabka shiday wali miyaad aragteen xukuumadda Kulmiye oo idin leh waxa gardaran labada beelood beeshaas? Halkan hoose ka daawo muuqaalka,Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here