Daawo:-Murashaxa xildhibaanka Golaha wakiilada Somaliland ee Gobolka Togdheer xisbiga Waddani Kubra X. Xasan Xaaji Maxamuud Oo Xafiisyaddii Ugu Badnaa Xadhiga Ka Jartay magaalada Burco

0
221

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Murashaxa xildhibaanka aqalka Golaha wakiilada Somaliland ee Gobolka Togdheer uga sharaxan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Kubra Xaaji xasan Xaaji Maxamuud Jaamaac, ayaa maanta wac-daro balaadhan ka dhigtay magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, isla markaana Murashax Xildhibaan Kubra Xaaji Xasan Maxamuud ayaa xafiisyadii ugu tiradda badnaa xadhiga ka jartay oo ka furtay gudaha magaalada Burco.taasoo ah murshaxa siweyn isugu balaadhiyey gudaha magaalada Burco iyo daafaha Gobolka Togdheer. Xildhibaan Kubra ayaa ugu awood badan murashaxiinta ka sharaxan Gobolka Togdheer marka la eego xoogaga iyo awoodaha taageero ee ay maanta ku soo bandhigtay magaalada Burco iyo socdaal dheer oo ay ku kala bixisay magaalooyinka ku teedsan hawdka iyo hareeraha Gobolka Togdheer.

Murashax Xildhibaan Kubra Xaaji Xasan Maxamuud ayaa maanta xadhiga ka jartay 23 guro oo ku yaal magaalada Burco, Balse Xidhibaan Kubra ayaa taageero-yaal tiro badan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Gobolka Togdheer ku muujisay awoodeeda taageero ee ay ku leedahay Gobolka Togdheer.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here