Laascaanood,(Baraarugnews.net)- koox Dabley hubaysan ayaa caawa fiidkii toogasho ku diley nin kalkaaliye caafimad ah gudaha magaalada Laascaanood, isla markaana dablaydaas oo hubaysnayd aan haybtooda la sheegin toogasho ku diley ee Gobolka Sool.
Marxuubka la dillay alle ha u naxariistee ayaa lagu magcaabi jirey Cabdirashiid Barkhadle ayaa la toogtey isagoo horfadhiya goob caafimaad oo ku taala meel aan ka fogayn qiyaasta 100 talaabo saldhiga booliska ee badhtamaha magaalada Laascaanood, xili lagu jiray salaadii Cishe.
Rasaas badan ayaa dhacday ka dib dilka marxuunka oo ay ridayeen ciidanka Booliska illaa hadana lama sheegin inay qabteen dadkii falka geystey ciidamada ammaanka ee booliska Somaliland ee lagu hordilay marxuubka kooxdii Dablayda aheyd ee dilka gaysatay, isla markaana Wakaalada Baraarugnews.net oo la xidhiidhay Saraakiil Booliska magaalada Laascaanood ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan Dablayda weerarka ku dishay kalkaaliyaha caafimaad marxuub Cabdirashiid oo aan la xidhiidhnay waxa ay noo sheegeen inay hawlgal ku jiraan oo aanay immika wax faahfaahsan ama dheerad ah ka bixinayn dilka ka dhacay.