
Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa Dad Shacab oo rayid ah u xidh-xidhay astaanta Calanka Soomaaliya oo dhar ahaan u is-ticmaaleen, isla markaana dadkaa oo dhalasho ahaan ka soo jeeda shacabka reer Somaliland, ayaa la sheegay inay sabab u aheyd kalsoonidii iyo jacaylkii ay u qabeen madax-bannaanida iyo calanka astaanta u ah Somaliland oo naceen.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in laba Dumar ah iyo rag la sheegay inay Meherado dawaar dharka lagu tolo oo ku yaala Magaalada Gabiley la xidh-xidhay oo lagu riday xabsiga magaalada Gabiley, Balse qaar ka mid ah dadka magaalada Gabiley ayaa sheegay in dad tiro badan oo laga qabqabtay meelo kala duwan loo xidh-xidhay sababo la xidhiidha dhar midabka Calanka Soomaaliya ee Buluugga ah u eg oo ku labisnaayeen astaanta calanka uu ka samaysan yahay ee buluuga ah.
Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Mustafe Sayid oo jeelka ku xidhan yihiin dhalinyarada loo xidhay Calanka Soomaaliya ay qaateen booqday “labada hablood waan soo waraystay Maadaama oo aan ahay Gudoomiyaha Gudida Nabadgalyadda Golaha Deegaanka, diracyaddii lagu xidhayna waan soo arkay, Waa Dirac Buluug ah, oo Xiddigo Badani ku yaalaan, Calankii Soomaaliya maaha, Waa Dirac Buluugga ah oo illaa dhawr iyo labaatan Xidigood ku yaalaan, labadaasi Hablood Diricaasi ayay siteen oo Jabuuti looga soo diray, dirawaalihii tolayayna way u geeyeen, inankii dawaarlaha ahaa si xun ayaa loo garaacay oo ciidanka Booliska Gabiley ayaa six un u garaacay, dil adagna waa loo gaystay, waanu xidhan yahay”ayuu yidhi Xildhibaan Mustafe Sayid.
Baraashug00@gmail.com or Caarshe7@hotmail.com