“Dad Weynaha Somaliland In Ay Sameeyaan Kacdoon.af-lagaadada u gaystay dawladda Somaliland….”

0
120
“Dad Weynaha Somaliland In Ay Sameeyaan Kacdoon.af-lagaadada u gaystay dawladda Somaliland....
“Dad Weynaha Somaliland In Ay Sameeyaan Kacdoon.af-lagaadada u gaystay dawladda Somaliland...."

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Ciidamada booliska Xukuumadda Muuse Biixi cabdi, ayaa galabta xidhay xubin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, isla markaana taliska Muuse Biixi ayaa sii laba jibaaraysa tacadiga iyo xadhiga ay kula kacayso xisbiga Waddani iyo warbaahinta madaxa-banaan ee Somaliland oo sii laba jibaaray dhibaatooyinka ay ku hayso shacabka reer Somaliland.

Gudoomiyihii garabka dhalinyarada ee xisiga Waddani Maxamed Sadiiq Dhamme sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen Masuuliyiin xisbiga mucaarida ah ee Waddani ka tirsani.

Geesta kale af-hayeen u hadlay ciidanka Booliska Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in sababta loo xidhay tahay kicin dad weynaha ku dhaqan Gobolka Sanaag. “Waxa lagu xidhay kicin dad weyne oo khatar ku ah guud ahaan nabadgelyada Somaliland gaar ahaan Gobolka Sanaag. Dad weynaha Somaliland inay sameeyaan kacdoon. Waxa kale oo lagu eeddaynayaa innuu af-lagaado u kaystay madaxda dawladda Somaliland,”Sidaa ayuu yidhi afhayeen u hadlay ciidanka Booliska Somaliland Faysal Xiis Axmed

Baraashug00@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here