Dagaal-beeleed Ka Dhacay Soomaaliya Oo Ka Dhacay Kaxandhaale Iyo Khasaaraha ka dhashay & Wararkii ugu dambeeyey

0
63
Dagaal-beeleed Ka Dhacay Soomaaliya Oo Ka Dhacay Kaxandhaale Iyo Khasaaraha ka dhashay & Wararkii ugu dambeeyey
Dagaal-beeleed Ka Dhacay Soomaaliya Oo Ka Dhacay Kaxandhaale Iyo Khasaaraha ka dhashay & Wararkii ugu dambeeyey

Kaxandhaale,(Baraarugnews.net)-Wararka ka imaanayo deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud ee dalka Soomaaliya waxay sheegayaan gelinkii hore ee khamiistii maanta rasaas laga maqlayay gudaha deegaankaas, sida ay BBC-du faafisay.

Arbacadii Shalay waxa ku dagaallamayay Kaxandhaale maleeshiyo beeleedyo hubeysan, waxaana dagaalka ku dhintay dad ku dhaw 20 qof. Waxaana la aasay dadkii ku dhintay dagaal beeleedka halka dadkii dhaawaca ahaa loo qaaday isbitaallada aggaasi.

Dadka ku nool Kaxandhaale waxay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC oo aannu warkan ka soo xigannay u sheegeen in saaka Rasaas goos goos ah mararka qaar laga maqlayay halkaasi oo ay ridayaan maleeshiyaadka. Illaa hadda ma jirto cid kala dhex gashay maleeshiyo beeleedka.

Deegaanka uu ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa bilihii u dambeeyay kusoo noq noqday dagaal beeleedyada, waxaana la sheegay in lagu muransan yahay dhul dhaaqsimeed.

Caarshe7@hotmail.com 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here