Dagaal Laga Cabdsi Qabo Innuu Ka Dhex-qarxo Beelo Ka Mid Ah Beelaha Habar-awal Iyo Habar-yoonis &Xubnaha Xilalka Ka Haya Xukuumadda Muuse Biixi Oo Beeshooda Hub Hoosta Ka Siiyey Iyo Abaabulka Ciidan Beeleedyada Gobolada Saaxil, Togdheer Iyo Daad-madheedh

0
177
Dagaal Laga Cabdsi Qabo Innuu Ka Dhex-qarxo Beelo Ka Mid Ah Beelaha Habar-awal Iyo Habar-yoonis &Xubnaha Xilalka Ka Haya Xukuumadda Muuse Biixi Oo Beeshooda Hub Hoosta Ka Siiyey Iyo Abaabulka Gobolada Saaxil, Togdheer Iyo Daad-madheedh
Dagaal Laga Cabdsi Qabo Innuu Ka Dhex-qarxo Beelo Ka Mid Ah Beelaha Habar-awal Iyo Habar-yoonis &Xubnaha Xilalka Ka Haya Xukuumadda Muuse Biixi Oo Beeshooda Hub Hoosta Ka Siiyey Iyo Abaabulka Gobolada Saaxil, Togdheer Iyo Daad-madheedh

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Laba beelood oo ka soo kala jeeda beelaha Habar-awal iyo Habaryoonis, ayaa isu-hub urursanaaya deegaano ka tirsan Gobolka Daad Madheedh oo ka fogay magaalada Oodweyne, isla markaana waxa la sheegay inay ciidamo beeleedyo ku ururinayaan meelo ka tirsan deegaanada Gobolka Saaxil iyo Daad-madheedh iyo Gobolka Togdheer.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Beesha Muuse Cabdale iyo Beesha Ciise Muuse colaad ka dhex-aloosan tahay intii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xilka Hayey, Balse labada beelood ayaa la sheegay inay sabab u tahay arrinta keentay inay  hub, rasaas iyo ciidamo beeleedyo labada dhinac-ba isku horfadhiyaan meelo ka tirsan deegaanada Togdheer iyo duleedka Oodweyne, isla markaana fariimo hanjabaad ah ay labada beelood isku dhaafsadeen Magaalada Burco iyo Berbera, Iyadoo la sheegay in labada dhinac-ba ku hawlan yihiin oo isu urursanayaan hub iyo ciidan beeleedyo ka soo kala jeeda labada beelood ee Muuse Cabdale iyo Ciise Muuse.

Geesta kale, dad ka mid ah bulshada ku dhaqan Gobolka Daad-madheedh, Saaxil iyo Gobolka Togdheer, ayaa sheegay in labada beelood isku haystaan deegaan ku dhaw Degmada Oodweyne, isla markaana waxay xuseen in qayb ka tahay oo ay gacan ka helayaan Wasiirka Wasaarada jidadka iyo gaadiidka Cabdillaahi Abokor Hawlaha, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo xubno kale oo ka soo jeeda Beesha Habar-awal ee xukuumadda Muuse Biixi beesha Ciise Muuse oo taageero qarsoodiya ay siinayso xubnaha Madaxtooyada ka ag-dhaw ee Madaxweyne Muuse Biixi oo ku doodaaya inay dhulkaas ay leedahay Beesha Ciise Muuse, Isla markaana beesha Muuse Cabdale ayaa iyaduna ku doodaysa inay deegaankaas leeyihiin oo ka gardaran yihiin Beesha Ciise Muuse.

Sidoo kale, dadka deegaankaa labada beelood isku haystaan ku sugan ayaa sheegay in labada dhinac-ba hub iyo ciidan beelood isu-urursanayaan, lagana dareemayo Magaalada Burco, Berbera iyo Oodweyne, taasoo xabady ay dhuunta ka bixin oo kaliya, lagana cabsi qabo inay dagaalamaan labada beelood haddii degdeg wax looga qaban.

Caarshe7@hotmail.com

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here